Calendar

Sidee looga Ciiday Magaalada Nairobi Ee Dalka Kenya ? (War-Bixin iyo Sawira cajiib ah).

DSC06451Bartamaha (Nairobi):- Magaalada Nairobi oo ay si aad ah u daganyihiin Shacabka Soomalaiyeed ayaa waxaa maanta looga Ciidan si farxadi ay ku dheehnayd iyadoo dadka ay wada ahaayeen kuwa Midayasan.

Magaalada Nairobi oo ay soomaalida si gaar ah u dagto xaafada Islii ayaa waxaa looga dabaal dagay Ciida si farxad iyo reen reen ay ku dheehantahay waxaana Bulshada ay isugu soo bexeen Fagaarayaal waaweyn oo ku yaala Magaalada.

Fagaaraha Said Ali Muslim Club ayaa waxaa isugu soo baxay dadkii ugu badnaa waxaana halkaasi salaada ku dujiyay Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo ah wadaad aad looga qadariyo guud ahaan dhulka ay ku noolyihiin Shacabka Soomaalida.

Sidoo kale dadka waxa ay ku dukadeen Fagaaraha kale Ee Khalif Stadium oo ku yaala xaafada Burhan State ee Magaalada Nairobi halkaasi oo kumanaan dad ah ay isugu soo bexeen kuwaasi oo farxada Ciida ku muujinayay kuna dukaday Salaada Ciida oo uu dushiyay Sheekh Shibile oo ah wadaad si weyn looga yaqaano Kenya.

Dhammaan wadaada dushiyay Fagaarayaasha  ayaa waxa ay u duceeyeen shacabka Soomaaliyeed iyo dhammaan Muslimiinta Caalamka oo dhibaatooyin badan ay la soo dersaan xilli walba waxaana ay wadaada u rajeeyeen Umada Farxad iyo Dinbi dhaaf iyo Nabad ay ku naaloodaan.

Goobaha lagu dukaday ayaa waxaa ka mida Masjidka jamia mosque halkaasi oo soomaali,Cadaan iyo Madow dalka u dhashayba ay ku wada dukadeen salaada Ciidul Fitriga iyadoo Takriibta ay wada qaadayeen dhammaan Shacabkii iyo madaxdii ku dukanaysay masjidkaasi.

Jawiga waxa uu ahaa mid woxoogaa diirimaad leh waxaana wadooyinka ku ciyaarayay Caruurta yaryar oo aad loogu soo Libisay sida muuqaalada aad ka dheehanaysaan waxaana ka muuqanayay dhammaan astaamaha Ciida ay caruurta leeyihiin.

Caruur badan ayaa fagaarayaasha ku soo dukanayay waxaana ay wateen Libisyo aad u bilic san iyo muuqaalo kaa farxinaya waxaana ka mid ahaa waxyaabaha ay ku ciyaarayeen Firinbiga,Bistooladaha caaga ah iyo alaabo kale oo ay Caruurta Jecelyihiin.

Daawo Muuqaalada Munaasabada Ciida Ee Magaalada Nairobi:-


Qaar ka mida Suxufiyiinta gaaray fagaarayaasha lagu dukanayay maanta Nairobi

Qaar ka mida Suxufiyiinta gaaray fagaarayaasha lagu dukanayay maanta Nairobi

Hooyo Caruurteeda ku ciyaarsiinaysa Mobailada

Hooyo Caruurteeda ku ciyaarsiinaysa Mobailada

Madaxa Xafiiska Bartamaha Bariga AFrika Abdirizak Kampala

Madaxa Xafiiska Bartamaha Bariga Afrika Abdirizak Kampala oo fagaaraha Burhan State uga qeybgalay Dukashada Salaada Ciidul Fitriga.

Fagaaraha ay Haweenka ku dukanayeen

Fagaaraha ay Haweenka ku dukanayeen

Haweenka oo salaada soo dukaday wadadana maraya

Haweenka oo salaada soo dukaday wadadana maraya

Hooyooyin iyo Caruurtooda

Hooyooyin iyo Caruurtooda

Caruurta Ciidaysay oo fagaaraha gaartay xiligii salaada

Caruurta Ciidaysay oo fagaaraha gaartay xiligii salaada

Wiilkii ugu da'da yaraa inta aan fagaaraha kula kulmay

Wiilkii ugu da'da yaraa inta ay Bartamaha fagaaraha kula kulantay

Haweenka

Haweenka

Haweenka ku dukanayay Fagaaraha Khaliif

Haweenka ku dukanayay Fagaaraha Khaliif

Caruurta iyo astaanta Ciida

Caruurta iyo astaanta Ciida

Aabe laba Caruurtiisa ah u soo kexeeyay Fagaaraha salaada lagu dukanayay

Aabe laba Caruurtiisa ah u soo kexeeyay Fagaaraha salaada lagu dukanayay

goormaa kuugu danbaysay xerada Ookiyaalahan??

goormaa kuugu danbaysay xerada Ookiyaalahan??

Gaariga gurmadka deg dega ah

Gaariga gurmadka deg dega ah

Caruurta Fagaaraha ku dukatay

Caruurta Fagaaraha ku dukatay

Wariye Kampala iyo qaar ka mida dhalinyarada Fagaaraha ku soo dukatay Salaada Ciida

Wariye Kampala iyo qaar ka mida dhalinyarada Fagaaraha ku soo dukatay Salaada Ciida

Salaada oo loo taaganyahay

Salaada oo loo taaganyahay

Salaada oo loo istaagay

Salaada oo loo istaagay

Fagaaraha iyo dadweyn

Fagaaraha iyo dadweyn

dadweynaha

dadweynaha

Shacabkii ku dukaday garoonka oo Takbiirsanaya

Shacabkii ku dukaday garoonka oo Takbiirsanaya


Gudaha Garoonka Khaliif iyo gaari Ambluce ah oo la diyaariyay

Gudaha Garoonka Khaliif iyo gaari Ambluce ah oo la diyaariyay

Rag sii galaya garoonka lagu dukanayay

Rag sii galaya garoonka lagu dukanayay

Dadka oo u socda Fagaaraha Khalif-Jam Street

Dadka oo u socda Fagaaraha Khalif-Jam Street

W.D:-Abdirizak Yusuf  Kampala

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika.

[email protected] .

[email protected].

Comments

comments

Category : Featured, KENYA, Photos, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: