read more »">
Calendar

Shrikada Hormuud Telcom oo xalay dab qabsaday iyo Maamulka oo faahfaahin bixiyay (War-Saxaafadeed).

hormuud_telecomBartamaha (Muqdisho):- Maamulka guud ee Shirkada Hormuud ayaa fgaah-faahin ka bixiyay Dab Xalay qabsaday qeybaha Xiriirka Dibada iyo gudaha Ee Shirkada Hormuud Telcom kaasi oo waxyeela ba’an sababay.

War – Saxaafadeed

Saturday, July 31, 2010

Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud Telecom Somalia, waxay macaamiisheeda iyo guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed  ay  war saxaafadeedkani kula socodsiinayasaa :-

In Xalay 31/07/2010 , abbaaro 6: 20 pm   Dhismaha Xarunta dhexe ee Shirkadda Hormuud Telecom , xabbado ku soo dheceen.

Xabbadahaasi waxay sababeen gubasho ka dhacday qaybo   dhismaha Shirkadda kamid ah.

waxyeellada shirkadda gaadhayna waxay noqotay in qaybo kamid ah Qalabka shirkadda ee haya adeegga telefoonada dibadda  iyo xiriirinta Shirkadaha gudaha ay dhibaato gaadhay.

Taasi waxay sababtay in aan hadda adeegga telefoonada  qaybo ka mid ahi si wanaagsan u  shaqaynayn.

Khasaare nafeed ma jiro, Engineerada Shirkadduna waxay  faraha ku hayaan , wax kaqabashada Qalabkaas waxyeeloobay, waxayna ku guulaysteen in ay xalliyaan qaybo kamid ah, cilladihii dhacay.

Shirkadda Hormuud Telecom oo Shacabkeeda dhibaataysan u haysa adeeg lafdhabar u ah , duruufahan adag  ee taaganna muddo dheer ku soo dhabar adaygaysay adeegga horumarineed ee ay ummadda u hayso,  waa markii labaad ee dhibaatada noocan ah  oo kadhalatay xabbado ku dhacay  dhismaha Shirkadda  ay ku dhacaan, dhacdadan tii ka horraysayna waxay dhacday sannadkii 2008-dii.

Shirkaddu waxay macaamiisheda uga cudurdaaranayssaa wixii adeeg xumo ah ee dhacdadani sababtay , waxyna Shirkaddu  si adag ugu dadaalaysaa hagaajinta wixii dhibaataasi sababtay.

Ugu danbayn waxay shirkaddu u mahadcelinaysaa dhammaan Shaqaalihii iyo dadwaynihii   ka qaybqaatay daminta dabkii kacay.

Mahadsanidiin

Hormuud Telecom

Public Relations Dept.

31/07/2010

Mogadishu.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Geeska Afrika.

Kala xiriir:-

.

.

Comments

comments

Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: