Shirweyne lagu taageeraya dagaalada ay ciidamada dowlada kula iraan Alshabaab oo maanta Muqdisho ka dhacay
Waxaa saacado ka hor hoteelka Ambasador ee Magaalada Muqdisho lagu soo gabo gabeeyay shir weyne looga hadlayay sidii loo taageeri lahaa howlgalada nabad sugida oo magaalada ka wadaan ciidmada dowlada KMG Soomaaliya iyo kuwa midowga Afrika ee Amisom.
Shirkaani ayaa waxaa ka soo qayb galay qaybaha kala duwan ee bulshada rayidka,mas’uuliyiin ka socotay dowlada KMG,aqoonyahano,culimaa udiin iyo waxgaradka ku dhaqan magaalada Muqdisho,sidoo kale waxaa shirka kaalin weyn ka qaatay oo dadka madadaalinayay fananiinta hobolada waaberi.
Waxaana inta uu shirka socday khudbado ka jeediyay mas’uuliyiin ka socotay xukuumada soomaaliya sida saraakiisha ciidamada xooga dalka oo uu ugu horeeyo Abanduulaha ciidamada xooga dalka C/kariin Yuusuf “Dhego badan:,kaasi oo sheegay in loo baahanyahay in qaybaha bulshada rayidka ay garb istagaan ciidamada Doweladfa KMG ah sidii nabad loogu soo celin lahaa gud ahaan dalka .
Sidoo kale waxaa shirka ka hadlay dad kala matalayay qaybaha kala duwan ee bulshada rayidka,kuwaasi oo gabi ahaan isku raacay in la tageero isla markaana la garb istaago ciidamada dowlada ee dagaalka kula jira Alshabaab,kuwaasi ay yiraahdeen diidan inay bad ka dhalato guud ahaan dalka.
Dhan kale waxaa shirka si weyn dhadhan ugu yeelay kooxda hobalada waberi,kuwaasi oo halkaasi ka soo bandhigay riwaayado ay aad ugu bogeen dhamaan dadkii ka soo qayb galay shirka,iyagoona sidoo kale muujiyay sida ay u garab taaganyahiin ciidamada xukuumada KMG ee dagaalka kula jira kooxda Alshabaab,iyagoona riwaayadaha ay dadka usoo bandhigayeen ay u badnaayeen kuwa ka hadlaya sidii loo taageeri lahaa Xukuumada KMG oo dagalo kula irta Alshabaab.
www.Bartamaha.Com
Comments
comments