Calendar

Shirkadihii Isgaarsiinta iyo Xawaaladihii Guri-Ceel oo la xeray.

guri ceel

Bartamaha(Guri-Ceel):-Dhammaan Shirkadihii Isgaarsiinta iyo kuwa Xawaaladaha Degmada Guri-Ceel Ee Gobolka Galgaduud ayaa Saaaka albaabyada loo laabay.

Amar ka soo baxay Maamulka Ahlu sunnah Guri-Ceel ayaa barqanimadii maanta albaabyada loogu laabay dhamaan shirkadihii Xawaaladaha iyo kuwa Isgaarsiinta Ee Guri-Ceel.

Wararka naga soo gaaraya Guri-Ceel ayaa sheegaya in amar ka soo baxay Maamulka Ahlu sunnah albaabyada loogu laabay SHirkadahaasi oo la sheegay in ay bixin waayeen lacago la duldhigay.

Maamulka ahlu sunnah ayaa amar uu soo saaray dhammaan in ay xeraan albaabyada iyagoo la faray in saacada gudahood ay dhiibaan lacagaha laga dalbaday oo lagu qabanayo dhismayaasha wadooyinka Deegaanka.

Maanta wax Xawaalad ah ama Isgaarsiin kale kama shaqeynayn Guri Ceel waxaana la soo sheegayaa in Shirkada Nationlink oo kaliya la fasaxay oo ay xilli danbe hawada ku soo noqotay.

Xafiiska www.Bartamaha.Com

Nairobi –Kenya

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: