Shirkad dalka Jarmalka laga leeyahay oo Heshiis la saxiixatay Cabdi Nuur Darmaan
Bartamaha (Nairobi):-Shirkada Asgaard German Security Group saldhigeedu yahay a Telgte ee Waqooyi Galbeed dalka Germany ayaa heshiis la gashay Cabdi Nuur Darmaan oo sanadkii 2003 isku magacaabay in uu yahaya Madaxwayanaha Jamhuuriyada Soomaaliya, shirkadan ayaa ka shaqeysa arrimaha amaanka.
Asgaard German Security Group oo ka shaqeeysa inta badan dalalka Yurub waxaa mas’uul ka ah nin Saajan ka ahaan jiray ciidanka dalka Jarmalka laguna magacabo Thomas Kaltegaertner.
Heshiiska dhaxmaray shirkadan dalka Jarmalka laga leeyahay iyo Cabdi Nuur Darmaan ayaa nuxurkiisu yahay in laga taageero dhanka amaanka iyo tababarida Ciidanka iyadoo la filayo in Boqolaal ciidan ah oo u dhashay dalka Jarmalka in ay Soomaaliya gaari doonaan sida uu sheegay ninka madaxda ah shirkadan ee lagu magacaabo Thomas Kaltegaertner.
Arrimaha ay ka wada hadleesan Cabdi Nuur Darmaan iyo shirkadan waxaa ka mid ah sidii loola dagaalami lahaa Burcad Badeeda ka qooleesata Xeebaha Soomaaliya iyadoo dowladaha Yurub ay dagaal badan ku bixiyeen sidii loo sugi lahaa amaanka Maraakiibta Xeebaha Soomaaliya mara.
Wali wax badal ah kama soo bixin Midowaga Yurub oo dhawaan sheegay in ay tababar u furayaan ciidamo ka socda dalka Soomaaliya.
“Waxaan xaga amaanka ka taageeri doonaan shaqsiyaad, waxaana sugeeynaa amaanka hantida iyo baabuur kolanyo ah, dhanka tababarka ciidanka waan ka tababari doonaa, mana filayo in aan ciidanka dowladda Somalia aan iska hor iman doono†ayuu yiri Thomas Kaltegaertner ninka madaxda ah shirkadan.
Dalka Jarmalka waa ka mamnuuc in qof u dhashay dalkaasi in ciidan ahaan ama oo dal kalle u dagaalamo iyadoo arrintan ay walaac ka muujiyeen qaar ka mid ah baarlamaanka dalka Jarmal-ka.
Wali wax hadal ah kama uusan soo bixin Cabdi Nuur Darmaan iyo Dowladda Soomaaliya intaba iyadoo dagaalo iyo qalqal siyaasadeed ay ka jiraan dalka Soomaaliya.
Ibraahim Da’ud Abdalle
Bartamaha, Nairobi-Kenya
Comments
comments