Shirkad laga leeyahay dalka Holland oo qalabayn iyo tababarba siin doonta ciidamada badda Soomaaliya
Shirkadan oo lagu magacaabo The Atlantic Marine and offshore Group ayaa lagu wadaa inay bilowdo tababarka iyo qalabaynta ciidamada ilaalada badaha Soomaaliya kadib markiy ay dawlada Soomaaliya heshiis kula gashay shirkadaas caalamiga ah inay dib u soo noolayso ciidanka ilaalada badda ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.
Waxaana heshiisku uu dhigayaa in shirkadu ay wax walbo oo tashiilaada u samayso ciidamada badda si ay awood ugu yeeshaan ilaalada xeebaha Soomaaliya oo ay ka qawlaysato burcadbadeed iyo sidoo kale maraakiib sharci darro ah oo ka kalluumaysta.
Waxayna shirkadani ballanqaaday in isbadal xoogleh laga dareemi doono ammaanka badaha Soomaaliya isla markaana ay bilaabayso hawlaheeda sannadkan gudihiisa.
Shirkadda ayaa sidoo kale qaban doonta adeegyo muhiim ah oo ay kamid tahay la socoshada dhaqaalaha kasoo xarooda dekadda iyo ilaha dhaqaalaha ee xeebaha sida ku xusan heshiiska lala galay.
Comments
comments