Shirka Wadatashiga Oo Ergada ka Qeybgalaysa loo qaybyay in Afar Gudi
Muqdisho (www.Bartamaha.com ):- Iyadoo magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya uu ka soconayo maalintii Labaad Shirka loo bixiyay Wadatashiga ayaa ergada ka qeybgalaysa waxa loo qaybiyay ilaa afar gudi sidda uu ka sheegay kulanka maanta oo ka dhacaya xerada xalena ee magaaladda muqdisho.
Danjire Mahiga oo shirka maanta guddoominaya ayaa sheegay in la magacabaay ilaa afar gudiyo kuwaas oo kala ah Gudiyada Dib U Heshiisiinta,Dastuurka,Ammniga iyo Maamul Wanaagga.
Gudiyadda ayaa la rabaa in ay kasoo talabixinayaan diyaarinta qorshe howleedka la doonayo in la dhaqangeliyo marka uu dhamaado waqtiga KMG ah oo ku eg bisha August ee sanadka 2012ka.
Si kastaba maanta ayaa la filayaa in uu soo gebo geboobo shirka Wadatashiga Soomaalida ayadoo markaasina laga soo saari doonno War murtiyeed lagu muujinayo natiijada shirka.
W/D:Xafiiska Wararka Muqdisho www.Bartamaha.com
Comments
comments