Calendar

Shirka Wada Tashiga oo maalintii labaad ka socda Muqdisho

Xubno-Katirsan-Gollaha-Wasiirada-Oo-Shirka-FadhiyaMuqdisho (www.Bartamaha.com):- Waxa maalintii labaad magaaladda muqdisho ka socda shirka wada tashiga ee qabanqaabisay QM kaa oo looga hadlaayo arrimaha xiliga kala guurka iyo siddii loo dhisi lahaa dastuur dhameestiran oo loo sameeyo Soomaaliya iyo siddii loo qayb san lahaa awoodaha.

Shirka oo ka furmay goor dhaweyd dhismo ku yaala garoonka diyaaradaha Aadan Cadde Muqdisho ayaa waxa illaa hadda hadlay wakiilka Midowga Africa u qaabilsan Soomaaliya Wafula Wamanyili iyo wakiilka Jaamacadda carabta u qaabilsan arrimaha Soomaaliya shirka ayaa waxa maanta guddoominaya danjiraha gaarka ah ee Xoghayaha guud ee QM u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya ,waxana shirka maanta uu ummuuqdaa in ay hadlaan wakiiladda beesha caalamka u jooga shirka.

Amaanka ayaa aad loo adkeeyay,waxana dhamaan magaaladda oo dhan isku socodka la dhigay ciidamo AMISOM iyo ciidamadda dowladda KMG ah.

Shirka ayaa shaley waxa uu ka furmay xarunta golaha umadda ee magaaladda muqdisho iyadoo ay ka soo qayb galeen wakiilo ka socda QM, Puntland, Galmudug, Ahlu Sunna Waljacama, Jaamacadda Carabta, Safiiradda wadamadda Aduunka u fadhiya Muqdisho, Midowga Africa, AMISOM iyo xubno kale oo lagu casuumay shirka.

Shirka ayaa maanta waxa uu ka dhacaya garoonka duyuuradaha magaaladda muqdisho sidda uu sheegay shaley ra’iisal wasaare cabdi weli Cali Gaas.

Shirka ayaa shaley waxa khudbado ka jeediyay Madaxweynaha Soomaaliya, SHariif Sheekh Axmed iyo Madaxweynaha Puntland Cabdi Raxmaan Sheekh Max’ud Faroole Madaxweynaha Galmudug State Max’ed Axmed Caalin Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Cabdi Weli Maxamed Cali, Afhayeenka Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan, Khaliif Cabdu.qaadir Macalin Nuur Oo ka socday Ahlu Sunna Waljamaca, iyo Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya Agustine Mahiga.

Wixii ku soo kordha shirka maalinta labaad ka socda magaaladda muqdisho waxa aan idiinkugu soo gubin doonaan www.Bartamaha.com goor dhow haddii alle idmo.

W/D:Xafiiska Wararka Muqdisho www.Bartamaha.com
 

 

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: