Shirka maamul u samaynta gobolada Mudug iyo Galgaduud oo furmaya 25 bishan Maarso
Cadaado(Bartamaha) Afhayeenka Gudiga qabanqaabada shirka gobolada dhexe Cumar Cali Rooble ayaa sheegay in 25 bishan uu magaalada Cadaado si rasmi ah uga furmayo shirka maamulka loogu samaynayo gobolada Mudug iyo Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.
Cumar Cali Rooble Afhayeen Gudiga qabanqaabada shirka ayaa sheegay in dibu dhaca shirka ay sabab u ahayd khilaaf ka taagnaa gobolka Galgaduud iyo dagaalka magaalada Guriceel oo saamayn ku yeeshay ,Afhayeen Cumar Cali Rooble ayaa sheegay in lagu guuleystay dhammaynta khilaafkii keenay in shirka dib loo dhigo.
Afhayeen Cumar Cali Rooble ayaa shaaca ka qaaday in Musharixiinta u taagan qabashada xilka madaxweynaha maamulka gobolada Mudug iyo Galgaduud looga baahan yahay iney iska xaadiriyaan magaalada Cadaado oo sida uu sheegay uu shirku ka furmayo magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud.
Afhayeenka Gudiga qabanqaabada shirka maamul u samaynta gobolada dhexe ayaa sheegay in Ciidanka AMISOM ay sugayaan amniga ergada ka qaybgalaysa shirka maamul u samaynta gobolada Mudug iyo Galgaduud ee bartamaha dalka Soomaaliya
Shirka oo qorshuhu ahaa inuu magaalada Cadaado ka furmo 1dii bishan Maarso ayaa dib u dhacay sabab aan la sheegin.
Comments
comments