Shirka hayadaha xuquuqda Aadanaha iyo golaha xuquuq Insaanka Afrika oo dalka Gambia kusoo gaba gaboobay.
Bartamaha (Nairobi):- Shirkan oo socday mudo todobaad ah oo ay isugu yimaadeen xubnaha ururka golaha xuquuqul insaanka Afrika ayaa lasoo afmeerey kadib markii dhowr cisho looga dooday qodobo gun dhig u ahaa wax ka qabashada xaalada xuquuqda aadanaha Afrika oo laga soo saarey dhowr qodob
Shirkaan oo ah mid sanad le ah oo ay isugu yimaadaan golaha oo kala African commission of human rights oo ku dhisan hab goboleedka afrika ayaa looga hadlay wadamo ay kamid thay Somalia , Ethopai iyo kuwa kale oo ay ka jiraan xad gudubyo ka dhan ah xuquuqda aaadnaha oo dhankasto ah.
Xasan Shire Sheekh oo ah gudoomiyaha golaha xuquuqda |Aadanaha ee Afrika ayaa waxauu si waafi ah uga hadlay wadamada Afrika ee ay la dageen xadgudubyaada joogtada ah iyo tacadiyada xuquuqda aadanaha ee ay Saafadu ka mid thay waxaana qudbadiisii kamid aheyd dalalka Somalia, Kenya oo ay jireen ku tumasho xuquqda aadanaha kadib doorashooyinkii dalka, Sudan , iyo Ethopaia waxaan uu tilmaamay in arimaha saxaafada , xaaladaha haweenka iyo caruurta iyo xadgudubyada kalae ee dalalkasi ay thaay in si gaar ah loo eego.
Shirkaan golaha waxuu soo gababoobayaa xili maalmo ka hor ay kasocdeen isla magaaladaasi Banjul Shir sidaan oo kale u socday hayadaha xuquuqda aadanaha ee Afrika kaasoo qudisii looga hadlay marxalada murugsan ee xuquuqda aadanaha ee Afrika taasoo waxaana qodobadii kasoo baxay qaarkood loogu baaqay kooxaha ku dagalamaya Somalia inay ilaalinyaan xad gudubyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha ee laga galayo dadka ku dhaqan dalka Somalia gaar ahaan haweenka iyuo caruurta oo aysoo gaaraan dhibaatooyinka ugu badan ee dagaalada dalka ka jira.
Gudoomiyaha hayada xuquuqda aadanaha Somali ee (SOHRADAN) Mahmed Ali Kimiko ayaa waxuu sheegay inay aad u weyntahay xad gudubyada lagula kacayo dadka aan waxba galabsan ee dalka Somalia kulankaasi ayaa waxaa si gooni ah loogu soo diirada loogu saran dhibaatada ka jirta dalka Somalia.
Shirkaan oo ahaa sanadlihiin African human rights commission ayaa waxaa goob joogaa ahaa madax ka baxsan ururka oo uu kamid ahaa wasiirka cadaalada dowlada Gambia oo sheegay inay tahay in la dhaqan galiyo qodobada shirka oo badi wax tar u ah dowladaha Afrika.
Bartamaha, Nairobi,Kenya
Comments
comments