Shirar kala gooni ah oo Ahlu Sunnah iyo Dowlada ku leeyihiin Addis-Ababa.
Bartamaha(Addis-Ababa):-Shirar gaar gaar ah ayaa ka socanaya Magaalada Addis Ababa ee Dalka Ethiopia oo ay doonayaan in ay hishiis ku gaaraan Dowlada iyo Ahlu Sunnah.
Wafdiga ku sugan Magaalada Adis Ababa ee ka kala socda Dowlada Kmg ah iyo Ahlu sunnah ayaa dhammaan ka gaabsaday in ay saxaafada war siiyaan iyagoo magaaladaasi ku leh kulamo kala gooni ah.
Wafdi la socday Madaxweynaha ayaa waxa ay kulan la qaateen Madaxda Ahlu sunnah ee Addis ku sugan iyadoo aanay wax war ah siinin saxaafada ka dibna ay u duuleen wadanka Imaaraadka Carabta.
Madax sare oo ka tirsan labada dhinac ayaa waxay isla ogolaadeen shalay oo Sabti ahayd in heshiiska awood-qaybsiga ah la saxiixo maalinta Isniinta ah ee berri ku beegan, iyadoo labada dhinac aan la garanayn waxay ka shirayaan.
Dowlada iyo Ahlu sunnah ayaa waxaa lagu wadaa in saacadaha soo aadan ay go’aan rasmi ah wada gaaraan waxaana lagu wadaa in ay ku dhawaaqaan hishiis rasmi ah oo dhanka Awood qeybsiga ah.
Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments