Calendar

Shir muhiim ah oo lagu taageerayo hogaanka Mid-nimada iyo badbaadada SSC oo ka dhacay San Diego.

IMG_0852 copyBartamaha (San Diego) Waxaa ka dhacay Galabnimadii  Axadii 5-2-2010 Magaalaada San Diego  Gobolka California, Shir muhiim ah oo ay soo qaban qaabiyeen  Ururka dhalinyarada  SOOL, SANAAG & Cayn (SSC) ee San Diego. Shirkaas oo ay ka soo qayb galeen dhamaan jaaliyadda SSC ee ku nool San Diego iyo nawaaxigeeda.

Bilowgii furitaanka xaflada waxaa aayado Qur’aan ah ka aqriyey  Sheekh Mohamed Ali Dad. Ka dib waxaa shirka furay Garaad Ali Yusuf oo jaaliyada ku booriyey wadatashi adag iyo talo midaysan.  Intaa ka dib, waxaa hadalkii lagu soo dhaweeyey Eng; Mohamed Hassan Xaad oo ah ergaygii uga qayb galay Gobolka California Shirkii taariiqiga ahaa ee HORSEED  ee beelaha SSC uga qabsoomay Nairobi, Kenya.

IMG_0855 copyEng, Mohamed Hassan waxuu ka xogagaal waramay qaabkii shirkaasi  u dhacay iyo guulihi isdaba jooga ahaa  ee ka dambeeyey  iyo hada xaalku halka uu marayo . Engneer: Mohamed waxa uu kula dar daarmay ka soo qayb galayaasha shirka in ay u huraan maalkooda iyo naftooda soo celinta dhulkooda ka  maqan. Intaa ka dib xiriiriyihii xaflada Ahmed  Yusuf Dhoolayare waxa uu ku soo dhaweeyey Afhayeenka Gudi cusub oo ay doorteed  Ururka dhalinyarada San Diego  Mudane Ali Baaruud iyo Yaasmin Mohamed Hassan  oo ahayd  gabadhii halbowlaha u hayd  isku xirida hawshan .

Labadooduba waxay jaaliyada u sheegeen kulana dardaarmeen   in loo guntado sidii loo taageeri lahaa  xoraynta iyo midnimada SSC .

Gabagabadii shirka waxaa soo gunaanaday Garaad Ali Yusuf oo ka jeediyey hadalo ay ku dheehantahay  dardaaran,  duco  iyo Midnimo.

W.Q. Ahmed Dhoolayare

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: