Shir looga hadlayo dib u dhiska Soomaaliya oo ka socda magaalada Addisababa
Shir ballaaran oo looga Arinsanayo dib u dhiska Soomaaliya iyo sidii loo taageero dhaqaalo loo siin lahaa Xukuumada Fedraalka Soomaaliya ayaa waxa u si rasmi ah uga furmay Maalintii Isniinta ahayd Magaalada Addis Ababa ee Xarunta Dalka Ethiopia.
Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Ethiopia Axmad Cabdi Salaan ayaa waxa uu ugu baaqay Beesha Caalamka in ay xoojiyaan Taageerada ay ka gaysanayaan dib u dhiska Soomaaliya.
Mr axmad oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in dowlada Fedraalka soomaaliya oo kaashanaysa Midowga Africa iyo Urur Gobaleedka IGAD ay dadaalo xoogan ugu jiraan sidii Nabad iyo Xasilooni loogu soo dabaali lahaa dalka soomaaliya.
Kulanka oo ahaa mid uu soo qabanqaabiyay Machadka Dhaqaalaha iyo Arimaha Bulshada ee geeska Africa ee marka magaciisa lasoo gaabiyo loo yaqaano (HESPI) oo ah mid socon doona mudo 3-maalmood ayaa diirada lagu saari doonaa dib u dhiska iyo Taageerida dalka Soomaaliya.
Comments
comments