Calendar

Shir looga hadlaayo Abaaraha Soomaaliya oo maanta Midowga Africa ay ku yeelanayaan Magaaladda Addis Ababa

Adis Ababa (www.Bartamaha.com):-Hogaamiyaasha Midowga Africa ayaa maanta shir looga hadlaayo abaarha Geeska Afrca waxa ay ku lee yihiin magaaladda Addis Ababa ee Xarunta dalka Etoobiya
Shirkan oo ah kii 17-aad ayaa intiisa badan waxa looga hadli doonaa siddii loo caawin lahaa Malaayin qof oo halis ugu jirra in ay gaajo ugu dhintaan wadamadda Geeska Africa
Erastus Mwencha, oo ah ku xigeenka madaxa golaha midowga Africa ayaa sheegay madasha shirka maanta ka dhacaya magaaladda Addis Ababa in looga hadli doono seddax qodob oo waaweyn waxana ugu horreya abaaraha geeska Africa iyo siddii degdeg looga jawaabi lahaa
Qodobka labaad waxa looga hadli doonaa in sidda ugu dhaqsiyaha badan looga jawaabi lahaa iyo qodobka seddaxaad oo looga hadli doono arrimaha Nabad galyadda iyo Amaanka”ayuu sheegay Mr. Mwencha
Waxa kaloo shirka qayb ka ah siddii Kenya garab loogu siin lahaa qoxootiga Soomaalida ee ku qulqulaya xeryaha dalka Kenya
Kenya ayaa ka socdsatay Midowga Africa iyo wadamadda deeqaha bixiya in gacan ay ku siiyaan furitaanka Xero Cusub oo la dhisaayo waqooyiga Barri dalka Kenya
Kenya waxa ku yaala seddax Xeryo oo waayen kuwaas oo ay buux dhaafiyeen kumanaan qof oo ka soo cararay colaadda iyo abaaraha la haray Soomaaliya.
Mr. Mwencha ayaa sidoo kale sheegay in shirka looga hadli doono isbdalka Muqdisho ka dhashay labadii todobaad ee la soo dhaafay ka dib markii Ururka Al-Shabaab ay ka baxeen magaaladda Muqdisho.
Waxa kaloo uu sheegay Ku xigeenka Madaxa Golaha Midowga Africa in shirka looga hadli doono siddii loo xiijin lahaa horumarka ay dhawaan gaareen dowladda Fadaraalka KMG ah iyo Ciidanka AMISOM.
Madaxada ka qayb galeysa shirka waxa ka mid ah madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo maanta goordame gaari doona isaga wafdi ugu hogaaminaayo madasha Shirka.
W/D:Xafiiska Wararka Wararka www.Bartamaha.com Muqdisho Soomaaliya

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: