Shir looga hadlaayo Abaaraha Geeska Africa oo maanta ka fumay Magaaladda Addis Abba
Addis Ababa ( www.Bartamaha.com):- Waxa maanta duhurkii xarunta midowga Africa ee Addis Ababa ka furmay shirkii 17-aad ee midowga Africa kaa oo intiisa badan looga hadlaayo gaajadda ka jirto geeska Africa.
Shirkan oo ciwaan looga dhigay (shirka dhaqaale yabooha) ayaa waxa furay madaxweynaha dalka Equatorial Guinea oo hadda xilka wareegtadda haya waxana uu sheegay in loo baahan yahay in degdeg jawaab looga bixiyo gaajadda ka jirta Africa taa oo Soomaaliya ka dhigtay dalka ugu daran ee abaarta ka jirto.
Waxa kaloo shirka ka hadla ra’iisal wasaartaha Etoobiya Miles Zanawi waxa uu sheegay in laga maarmaan ay tahay in Africa ay isku tashato oo ay gacanteeda iska bixiso gaajadda ka taagan,
Ra’iisal wasaaraha martida loo yahay ayaa waxa kaloo uu soo jeediyay in qoxootiga Soomaalida ee ku soo qulqulaya Kenya iyo Etoobioya xaryo looga dhiso Soomaaliya.
Shirka waxa kaloo ka hadlay Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed khubad af carabi ah ayuu ka jeediyay madasha shirka waxana uu sheegay in dalkiisa ay ku dhufatay abaartii ugu baaxada weyneed.
Waxa uu sheegay inta badan caasimadda muqdisho in ay maamulaan oo ay ka saareen ururka Al-Shabaab, waxa uu sheegay in gargaar la keeni karo.
Shirka waxa looga dhawaaqay lacago la siinaayo Soomaaliya waxa ka mid ah dowladdaha ballan qaaday Masar, Algeria, Guanine iyo kuwa kale.
Wariyaasha ku sugan madasha Shirka ayaa soo sheegaya inta badan shirka madaxdii la filaayay in ay ka soo qayb galeen, iyagoo soo dirsaday wakiilo iyo ra’iisal wasaarayaal.
Shirka gabagabadiisa ayaa la filayaa in uu ka soo baxo war murtiyeed looga hadlaayo qodobadda shirka loo hadlay
Shirka waxa kaloo qayb ka ah arrinta dalka Libya oo durba kala qaybisay wadamadda qaaradda Africa.
W/D:Xafiiska Wararka Bartamaha Muqdisho Soomaaliya
Comments
comments