Shir looga Hadlaayay Xuquuqda Aadanaha oo ka socda dalka Gambia Caasimadiisa Banjul iyo Soomaali ka qeyb gashay.
Bartamaha (Nairobi)Shirkan oo ay kasoo qeybgaleen hayadaha u dooda xuquuqdanaha ee Qaarada AFrika Kana dhacay magaalada Banjul ee wadanka Gambiya looga hadlay difaacayaasha xuquuqda aadanaha AFrika iyo Maxaladaha ay ku sugunyihiin.
Shirkaan oo uu soo qabanqaabiyey ururka xarunta dimoqradiyada iyo xaalada xuquuqda aadanaha ee Africa ayaa looga dooday dhibaatooyinka biniaadnimo ee ka jira guud ahaanba wadamada AFrika oo ay ugu horeeeyaan kuwa ku yaala galbeedka fog ee Afrika oo ay la dageen qaarkood dowlado xukun qalafsan iyo kuwa ay ka jiraan dhibaatooyin haysta xoriyatul qolkiyo mowjado dagaalo ah oo saameeyey nolosha dadka bari ma geedad ah ee ay haweenkiyo caruurtu ugu horeeyaa.
Kulankaan oo loogu gogol xaaraayay African Human and People’s Rights Commission oo isla Banjul ka furmi doono laba iyo tobanka bishaan loogana baaraan dagayo shirkii ka horeeyey qodobadii iyo go aamadii la gaarey si loo horgeeyo shirka Madaxda AFrika ee Soo socda
Shirkan oo ay goobjoog ahaayeen saraakiil ka socday Qaramada midoobe qeybta u qaabilsan xuquuqda aadanaha wasiiro ka socday dowlada Gambiya iyo wakiilo ka matalaayey Ururada xuquuqda aadanaha ee magaca ku leh qaarada ayaa looga dooday qodobo xasaasi kuwaasoo taabanayo nolosha dadka iyo xaalada xuquuda aadanaha ee dadka ku dhaqan dalalka ay la dageen dagaalada joogtada ah sida Somalia.
Kulkan oo socon doono mudo sadex cisho ah ayaa waxaa qodobada laga dooday kamid Haweenka , caruurta la ciidamaynayo , caburinta saxaafada doorashooyinka aan sida xaqa aheyn u dhaca iyo xaqa qof ku uu u leeyahay inuu ka taliyo aayihiisa
Somalia oo si gaar ah shirka looga hadlay ayaa waxaa diirada la saarey dhibaatada haysata difaacayaasha xuquuqda aadanaha , caburinta Saxafada ay ku hayaan kooxaha iska soo horjeeda ee dalka gaar ahaana bartamaha iyo koonfurta Somalia, ciidamaynta caruurta kooxaha iska soo horjeed ay isticmaalaan , iyo waliba dhibaatooyinka dumarkiyo dhalaanka kazoo gaarey mowjadaha dagaalada ah ee aan dhamaadka laheyn.
Shirka oo ku qotomay urur goboleedyo ka dhisan qaarada AFrika sida , Koonfurta Waqooyiga , Galbeedka , iyo Barigiyo Geeska AFrika .
Mudane Hassan Shire Shikh Shikh oo Hogaamiya East and Horn of Africa Human Rights Defenders Network ayaa warbixin Dheer ka bxiyaya xaaladda Difaacayaasha Xuquuqda Aadanmaha ee ee Laba iyo tobanka dal oo ku bahoobay Bariga iyo Geeska Africa.
Waxaa kaloo kulanka ka qeybgalayey Gudoomiyaha Daladda Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha Somaliyeed ee (SOHRIDEN) Ahmed Mahmed Ali Kimiko oo ka hadlay dambiyada dagaalada ay galeen kooxaha iska soo horjeeda ee dalka iyo tacadiyada xuquuqda aadanaha Somaliyeed
Waxaa kaloo shirkaasi ka qeybgalay gudoomiyaha ururada suxafada Afrika ahna xoghaya Ururka suxufiyiinta ee (NUSOJ) Omar Faruq oo warbixin guud ka bixiyey xaalada saxafiyiinta qaarada AFrika gaar ahaan suxufiyiinta Somaliyeed.
Shirkaan oo la filaayo in maalinta beri ah inuu kazoo baxo war murtiyeed la horgeeyo Golaha Xuquuqda Aadanaha ee AFrika oo loo madlanyahay inuu furmo todobaadkan isla Banju
Sahra Abdi Ahmed
Banjul, Gambia
Comments
comments