Calendar

Shir lagu qabtay Minneapolis (Codadka Soomaalida Minnesota)

furida2Minneapoli, MN Shir lagu qabtay magaalada Minneapolis, MN oo loogu magac daray Codadka Somalida Minnesota, Shirkan waxaa soo qabanqaabiyey ururada dhalinyarada ee ka jira Minnesota muhiimada shirkani waxay ahyd in ay Somalidu meel uga soo wada jeedsata dhibta ay saxafada goblku ku hayso Somalida.

Sidaan ognahayba waayadan dabe waxaa il xun lagu fiirinayey bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolkan ka dib markii ay suuqa gashay in dhalinyaro Soomaali ah ay u kicitimeen Soomaaliya iyagoo raba in ay ka qayb qataan dagalada ka socda Soomaaliya.

Dhalinyaradaas oo qarkood isqarxiyeen qaarna aan war laga haynin geeri iyo nolol ayaa waxay kicisay xamaasad lagu takoorayo Soomaalida goblkan Minnesota.

Ka dib markii la soo xaqiijiyey bixida wiilashan oo kuli ka tegay Minnesota ayaa waxaa bilaabmay in ay hayadaha denbi baarista iyo kuwa saxaafaduba daba dhigtaan Soomaalida gobolkan oo ay aad ugu badan yihiin.

Arintan Soomaalida lagu kala qaybinayo laguna eedaynayo xumaatooyin badan oo aanay lahayan ayaa waxaa ka damqaday dhalinyarooyinka jamacadaha ka dhigta gobolkan waxayan soo abaabuleen shirkan ay ugu magac dareen (Codadka Somalida Minnesota) waxayan ku soo bandhigayeen wanaaga iyo wax wabadka Soomaalidu ku soo kordhisay bogolkan.sh

Daawo Sawirada Shirka

Waxay kaloo soo casumeen dad badan oo ka tirsan maamulka goblka oo ay ka mid yihiin Rep. Keith Ellison, oo sida la ogyahayba ah nin abaal weyn u haya Soomaalida maxaa yeelay waa nin ka keliya ee Muslin ah oo ku jira Baalamaanka Maraykanka guushaasna waxaa dhakada laga saaraa in ay Soomaalidu soo xeraysay wuxuu ka sheegay goobtaas in ay Soomaalidu u baahan tahay cod xoog leh oo uga kaca D.C lana taageero dowladan cusub ee Sh. Shariif.

Waxaa ka hadlay culimada Minnesota oo ay ka mid yihiin Sh. Abdirahman iyo Sh. Xasan Jamici oo ka kala hadalay xalada ay ku sugan tahay Soomaalida Minnesota kuna baraarujiyey in ay dadku meel uga soo jeestaan dhibta lagu hayo iyo in aan lala hadlin F.B.I da abukaate la aan oo aad ka dalbato abukaate in laguu keeno hadii ay ku yimaadaan iyagoo suaal raba in ay ku waydiiyaan.

amaanGoobtan oo dad badan ay ka hadalayeen waxaan ka maqnayan dhalin yarada oo uu u hadlayey Amaan Obsiye oo ka hadlay saxaafada Minnesota iyo been awaalka ay ku hayso Bulshadan Soomaaliyeed wuxuu tusaale u soo qaatay warar ay qoreen wargeysyada ugu waa weyn ee gobolkan oo ku tilmaamayaan Soomaalida dad aan dhib maahee wax kale ku soo kordhin gobolkan wuxu kaloo soo qatay TV ka mid ah TV yada magalada oo ku sheegay kulan lagu qabtay masaajid ka mid ah masaajidad magalada in ay kulankan qabteen dad isqarxiyayaal ah.

Isku soo wada duub oo dhibtan lagu hayo Soomaalida halkan ma tahay mid uu shirkani wax ka badalayo hadii aan firinay waxaan dareemaynaa in aan shirku ahayan mid Soomaali oo dhani ku muujiyeen shucuubtooda oo ay ka kala maqnaayen dadka qaar kood taas oo keenaysa in ay dhibtadan lagu hayo Soomaalidu sii xoogsato maxaa yeelay waxaan meel looga so wada jeedin waxba kama soo baxayaan hadii aanay meel ka soo wada jeedsan Soomaalida goblkani wax dhib ah ooo ka yaraanayaa ma jiro. 

Daawo Sawirada Shirka

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Featured, Minnesota, Photos, Wararka Maanta.
« »

Comment: