Shir ka dhacay Nairobi oo lagu balan qaaday in goor dhaw lasoo bandhigi doono qabyo qraaleedkii Dastuurka Cusub Dowladda FKMG yeelaneyso
Bartamaha:Wararka ka imaanaya Dalka Kenya Ee Caasimadda Nairobi ayaa shaaciyay in dadaalo wali loogu jiro sidoo loo dhamaystiri lahaa soo saarida dastuur cusub oo dalka uu yeesho xili waqti kasii dhamaanaya Dowladda FKMG Soomaaliya.
Qeybo qoraaleedka ka dhiman Dastuurka Dowladda ayaa haatan lagu wadaa in goor dhaw lagu soo afjaro Magaalada Nairobi oo ay haatan ku suganyihiin Gudigga Madaxbanaan ee u qaabilsan soo saaridda Dastuurka cusub uu yeelanayo Dalka Soomaaliya.
“Waxaa ku jirnaa Dadaal maalin iyo habeen ah si aan usoo dhamaystirno Qaraalka Dastuurka cusub Ee dowladda yeelanayso, waxaa rajaynaynaa inaa goor dhaw shacabka Soomaalioyeed usoo bandhingno Howshii aan qabanay” ayaa laga soo xigtay Xildhibaan Madoobe Nuunow Maxamed.
Gudiga Madaxa banaan ayaa haatan ku sugan Dalka Kenya Ee Nairobi si ay uso afjaraan qoraalada Dastuura cusub oo laga sugayo xilli haatan madax lala soo galay kala guurka iyo dastuur cusub oo ay yeelanayso Dalka Soomaaliya.
Ugu danbayntii Gudiga Madax banaan ayaa wado shaqo deg deg ah oo ay ku doonayaan inay soo bandhigaan qoraalada ay diyaarinayaan Ee dastuurka cusub uu yeelanayo Dalka Soomaaliya waxaana laga filayaa in goor dhaw indhaha loo saaro Shacabka jahwareersan Ee Soomaaliyeed.
www.Bartamaha.com
Comments
comments