Shir Jaraa’id oo Maanta ay qabteen Maamulka Kismaayo ayna ku beeniyeen Xayiraadaha lagu soo rogay Dakadda Kismaayo
Maamukla Islaamiga ah ee gacanta ku haya Magaalada Kismaayo ee Xarunta J/hoose ayaa Maanta Shir Jaraa’id oo ay qabteen waxa ay ku beeniyeen  hadalkii xalay ka soo yeeray Wasiiro kamid ah dowlada KMG ee Soomaaliya.
Kadib Hadal Xalay Kasoo yeeray Wasiirka Dakadaha iyo kheyraadka Dabiiciga ah ee DFKM Soomaaliya, Mudane Max’ed Ibraahim Xaabsade oo uu ku sheegay in Maalinimadii shalay Ciidamada NATO ee ka howlgala Badaha Soomaaliya ay Qabteen Markab weyn oo Xamuul u siday Magaalada Kismaayo, ayna ku amreen in uu ku xirto Dakadda Magaalada Kismaayo.
Â
Taas oo ay soo dhaweysay Dowlada KMG ee Soomaliya ayna ku tilmaantay in uu hordhac u yahay Cunaqabteyntii la sheegay in lagu soo rogay Todobaadyadii la soo dhaafay Dakadda Magaalada Kismaayo.
Â
Balse arintaan waxaa si cad Maanta u beeniyay Maamulka Islaamiga ah ee Kismaayo.
Â
Gudoomiye k/xigeenka Magaalada Kismaayo Sheekh C/qani oo la Hadlayay Saxaafadda Qeybaheeda kala duwan ayaa wax kama jiraan ku tilmaamay hadalkii Wasiirka Dakadaha ee Soomaaliya Max’ed Ibraahim Xaabsade, Sidoo kale waxa uu sheegay in aan waxba ka jirin Markab ay qabteen Ciidamada NATO uuna Markabkaasi Habeennimadii Xalay si nabadqab ah ugu soo xirtay Dakadda Magaalada Kismaayo.
Â
Magaalada Kismaayo ee Xarun goboleedka Gobolka J/hoose ayaa kamid ah Meelaha ugu shaqada badan Magaalooyinka Dakadaha leh ee Wadanka Soomaaliya, waxaana laba todobaad ka hor lagu dhawaaqay in Cunoqabateen lagu soo Rogay, taasoo ay Midowga Africa Sheegeen in ay uga gun leeyihiin Ururka Al-shabaab.
Â
Â
Â
Â
Â
Â
Â
Xafiiska Wararka Bartamaha ee Kismaayo
Comments
comments