Calendar

Shilalka gawaarida oo ku soo badanaya Wadada u dhexeysa Muqisho iyo Afgooye.

wadada afgooyeBartamaha (Afgooye):-Wadada u dhexeysa Magaalada Muqdisho iyo Degmada Afgooye ayaa waxaa ku soo kordhaya dhacdooyinka shilalka gawaarida .

Dhacdooyinka dhimasha iyo dhaawaca sababa ayaa waxaa qeyb ka ah isku dhaca gawaarida shacabka iyadoo 24-saac ee ugu danbeeyay ay shil gaari ugu geeriyoodeen 6-ruux wadada u dhexeysa magaalada Muqdisho iyo Degmada Afgooye.

Shilalka gawaarida ee wadadaasi ka dhacay shalay iyo maanta oo kaliya ayaa waxa ay kala ahaayeen gaari nuuca Xamuulka ah oo jiiray gaari Xaaji Khamsiinka loo yaqaano ka dib markii isaga horyimaadeen goob goolad ah wadada u dhexeysa Muqdisho iyo KM.13.

Dhanka kale Saaka aroortii hore ayaa waxa uu shil ka dhacay wadada u dhexeysa Siinka dheer iyo KM.13 kaasi oo uu ku geeriyooday nin da’ahaa oo la sheegay in uu ku jiray waqtiga 65-70-sano jir ka dib markii ay isku qabteen laba gaari oo wadadaasi xawaari ku marayay isagoo goynaya wadada laamiga ah.

Sababaha sii kordhinaya Isku dhaca gawaarida iyo dilalka ay dadka wadada isticmaalaya ay u geysanayaan ayaa waxaa lagu sababeynayaa Wadada Muqdisho iyo Afgooye u dhexeysa oo ay isugu yimaadeen dhammaan gawaaridii muqdisho ka shaqeysan jirtay taasi oo xanibaad ku noqotay wadadaasi oo ah mid aad u yar islamarkaana bur-bursan.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: