Shil Koronto oo Dhimasho iyo Dhaawac geystey oo xaley fiidkii ka dhacay Gudaha Kismayo
Shilkani koronto ayaa waxaa ku dhintey wiil dhalanyaro ah halka midkalana uu dhaawac ka soo gaarey waxaana ay ka dambayse ka gadaal markii dhalanyaradani ay farsamaynayeen waayar koronto oo dul mareyay fooqa baalaha ay  korontadu  dhalanyarada ka qabsatey,
 Sida ay sheegeen dad goob joogo yaal ah dhalintani waxa ay wateen jaraajaro macdin ka samaysan kadib markii ay isku dayeen inay ka sal gaaraan yoolkoodi ahaa inay waayarkaasi dulmareyay baalaha ay sameeyaan ay mid waliba gooni koronto ugu dhagtey halkaasi oo uu ku quurbaxay mid kamid ah dhalintii midna uu dhaawac halis ah ka soo gaarey korontadaasi,
 Saka aroortii ayaa C/laahi Geele oo ahaa inankii halkaasi ku geeriyoodey maydkiisi lagu soo aasay duleedka magaalada Kismayo  iyadoo waalidkii dhalayna Ay walaac ka muujyeen inay la hadaan saxaafada
 Halka inaankii kale ee dhaawacmayna la dhigay cisbitalka wayn Magaalada Kismayo hatana wali lagu dabiibayo,
 Sikataba arinku ha ahaatee waxaaa cabsi wayn laga qabaa in shilalka caynkaan  oo kale  ah ay bataan maadaama la galey xili roobaad ay suurtagaltahay inay badi baalayaasha korontada ay maanso dhaliyaan,  Magaaladana ay leedahay Shirkado waa wayn oo koront iyo Matooro Dabka dhaliyo
 Â
Â
 Warar Xaqiiq ah kala Soco www.Bartamaha.com
Comments
comments