Shil ka dhacay Wadada Calamada iyo Qasaara ka dhashay.
Bartamaha(Calamada):-Shil gaari oo qasaara badan sababay ayaa ka dhacay Deegaanka Calamada oo dhaca Wadada xiriirisa Muqdisho iyo Aafgooye.
Gaari ay saarnaayeen dad shacab ah oo ku soo socday Muqdisho ayaa ku rogmaday Deegaankia Calamada oo dhaca Wadada xiriirisa Magaalada Muqdisho iyo Degmada Afgooye.
Shilka ayaa yimid markii wadada uu ka baxay gaariga oo ka dibna uu ku rogmaday wadadaasi taasi oo sabab ka dhigtay qasaaraha shacabka soo gaaray sida ay xaqiijiyeen dadka goob jooga ahaa.
Shilka oo dhacay Saaka aroortii hore ayaa waxaa ku dhintay 2-qof saddex kalana dhaawac culus ayaa ka soo gaaray kuwaasi oo loola soo cararay Isbitaalada Magaalada Muqdisho.
Shilalka ayaa waxa ay ahaayeen kuwa dhawaanahan soo badanayay oo shacab badan oo aan waxba galabsan ay ku dhinteen waxaana loo aanaynayaa Burburka wadada.
Xafiiska www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments