Calendar

Shil gaari oo maanta ay ku dhinteen Dad ka barakacayay Dagaalada Magaalada Kismaayo.

shiiiiBartamaha(Kismaayo):-Shil gaari oo sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa barqanimadii maanta ka dhacay duleedka Magaalada Kismaayo .

Shilka ayaa la sheegay in uu dhashay ka dib markii uu wadada ka baxay gaari ay ku baxsanayeen dad barakacayaal ah duleedka Koonfureed Ee Magaalada Kismaayo halkaasi oo dadkii saarnaa ay qasaara ka soo gaartay.

Inta la ogyahay waxaa geeriyootay 3-ruux iyadoo illaa 5-kale dhaawacyo ay soo gaareen kuwaasi oo dhammaan ahaa dadkii maanta ka soo cararay Dagaalada ka dhacayay Magaalada Kismaayo.

Dadka ku waxyeeloobay ayaa la soo dheegayaa in loola cararay dhanka Deegaanka Dhoobley si loola garo isbitaalka ku yaala Deegaankaasi maadaama magaalada Kismaayo dagaal xoogan uu ka socanayo.

Shilalka gawaarida ayaa waxa ay yihiin kuwa inta badan ku soo batay gobolada Dalka Soomaaliya iyadoo loo aneeyo burburka wadooyinka iyo Xawaaraha lagu wado gawaarida dadweynaha.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: