Shil gaari ay ku dhinteen Ciidamo Dowlada ka tirsan oo ka dhacay duleedka Degmada Doolow.
Bartamaha(Doolow):-Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa waxyeela ay ka soo gaartay shil gaari oo shalay galinkii danbe ka dhacay Deegaanka Doolow Ee Gobolka Gedo.
Saddex Askari ayaa dhimatay 9-kalana dhaawac ayaa soo gaaray ka dib markii Ciidamada Dowlada uu la rogmaday gaari nuuca dagaalka oo ay saarnaayeen duleedka Degmadaasi.
Shilka gaari ayaa waxaa la sheegay in uu ka dhashay ka dib markii ay iska hor’yimaadeen laba gaari oo nuuca dagaalka oo xawaare dheereeya ku socanayay taasi oo keentay in uu mid ka mida wadada ka baxo.
Dhaqdhaqaaq guud oo ciidan ayaa laga dareemayaa Degmada Doolow ee gobolka Gedo halkaasi oo ay ka samaynayaan Ciidamada Dowlada Soomaaliya oo wada abaabul weerar ay ku qaadayaan Degmooyinka Gobolkaasi.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments