Calendar

Shiikh Xasan: AMISOM ha ka baxdo dalka

Xasan Dahir

Xasan Dahir

Maxamed Ibrahim Macalimu (BBC Mogadishu) — Hogaamiyaha mucaaradka Soomaaliya Shiikh Xasan Daahir Aweys ayaa ku baaqay in ciidamada nabad ilaalinta ee Midowga Afrika inay isaga baxaan waddanka.

Wareysiga

Shiikh Aweys ayaa sheegay in aanu wax wada hadal ah dhexmareyn isaga iyo dowladda KMG ah, tan iyo inta ay ciidamada AMISOM isaga baxayaan Soomaaliya.

Waxa uu ku tilmaamay ciidamada Midowga Afrika inay yihiin bakteeriya.

Hogaamiyaha mucaaradka ah Shiikh Xasan Daahir Aweys ayaa shalay ku laabtay Soomaaliya, kadib laba sano oo waddanka uu ka maqnaa.

Shiikh Xasan daahir Aweys ayaa u duulay waddanka Eritrea sanadkii 2007 markii ciidamada Ethiopia ay soo galeen Soomaaliya, oo ay meesha ka saareen ciidamadiisii maxkamadaha Islaamiga.

Waxa ay kala jabeen kooxda mucaaradka ee uu hogaaminayay Shariif Shiikh Axmed oo hadda Madaxweyna ka ah dowladda KMG ah ee Soomaaliya.

Comments

comments

Category : Uncategorized.
« »

Comment: