Sheekh Yuusuf Indha Cadde oo Xabsi ku yaala Kampala Xalay la dhigay.
Bartamaha(Kampala):-Wasiir Dowlaha Gaashaandhiga Dowlada Soomaaliya Sheekh Yuusuf Indha Cadde ayaa la xaqiijiyay in xalay xabsi la dhigay .
Wasiir Dowlaha Gashaandhiga Dowlada Soomalaiya ayaa la xaqiijiyay in xalay Ciidamo Booliiska Ugandha ka tirsan ay ka qateen wadadad Kampala Str. Xilli uu marayay kana yimid masjid ku yaala Magaaladaasi.
Sheekh Yuusuf Indha Cadde ayaa la sheegayaa in uu ku xeranyahay xabsi ku yaala Magaalada Kampala halkaasi oo tilmaamay in Ciidamada Booliiska ay geeyeen .
Saraakiil u hadashay dowlada Ugandha ayaa sheegtay in ay wadaan qorshe lagu sii daynayo wasiirka islamarkaana ay socdaan dadaalo xoogan.
Ma jiro wax war ah oo laga haayo xariga Masuulkaasi wallow warar lagu kalsoonyahay ay sheegayaan in ay si gaar ah tuhun u qabaan ciidamada Nabad sugida oo baaris gaar ah masuulkaasi ku wadda.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Â
Comments
comments