Calendar

Sheekh Yuusuf Indha-Cadde “Anaga oo idil Ahlu-Sunnah ayaa nahay ururka dhisan Dowlada wey taageertaa iyaguna wey nataageeraan…khilaaf noo dhexeeya ma jiro”.

indha caddeBartamaha(Muqdisho):-Wasiiru Dowlaha Wasaarada Gaashaandhiga Dowlada Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in aanu jirin wax khilaaf ah oo u dhexeeya Dowlada iyo Xoogaga Ahlu-Sunnah Wal-Jamaaca.

Sheekh Yuusuf Indha Cadde oo shirjaraa’id qabtay ayaa shaaca ka qaaday in Xiriir wanaagsan uu ka dhexeeyo Dowlada Soomaaliya iyo Ahlu Sunnah Wal-Jamaaca.

Wasiir Dowlaha ayaa sheegay in Ahlu-Sunah ay ka xanaaqeen hadal uu jeedayay Madaxweynaha balse uu dhankiisa uu raali galin ka bixinayo isagoo ku hadlayay Magaca Madaxweynaha.

“Anaga oo idil Ahlu-Sunnah ayaa nahay ururka dhisan Dowlada wey taageertaa iyaguna wey nataageeraan,waan maqalnay in xanaaq ay muujiyeen qaar ka mida Culimada balse taasi ay ahayd hadal si kale loo qaatay waana ka raali galinaynaa Culimada anigoo magaca madaxweynaha ku hadlayo…khilaaf noo dhexeeya ma jiro ee waa sida ay Saxaafada circa u galisay hadalka” ayuu yiri Yuusuf Indha-Cadde.

Wasiir Dowlaha Gaashaandhiga Dowlada Soomaaliya ayaa ugu baaqay Culimada Ahlu-sunnah in ay shaqada ay xiligan wadaan ay sii laba jibaaraan islamarkaana ay la shaqeeyaan Dowlada.

Hadalka Sheekh Indha Cadde ayaa ku soo aadaya xilli uu dhamaaday waqtigii ay Culimada Ahlu-Sunnah Wal-Jamaaca ay ku dalbadeen in raali galin uu Madaxweyne Shariif ka bixiyo hadal dhawaan uu jeediyay.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: