Sheekh Xasan Turki oo balan ka bax ku tilmaamay maamulkii looga dhawaaqay Kismaayo.
Bartamaha (Kismaayo) Hogaamiyaha sare Ee Gobolada Jubooyinka  Sheekh Xasan Turki oo shirjaraa’id qabtaya ayaa hishiis laga baxay ku tilmaamay maamulkii shalay Alshabaab loogu magic daray Kismaayo.
Sheekh Xasan C/laahi Xirsi (Turki) oo ka mida hogaamiyayaasha sare Ee Islaamiyiinta ayaa shaaca ka qaaday in aanay aqoonsan doonin maamulkii shalay looga dhawaaqay Kismaayo.
Sheekh Turki ayaa sheegay in maamulka Kismaayo markiisii hore hishiis ay galeen Alshabaab,Raskambooni iyo Caanoole lagu dhisay balse aanay lahayn Xarakada Alshabaab isagoo been aan sal lahayn ku tilmaamay in ay la midoobeen Xarakada Alshabaab.
Wadaadka ayaa waxa uu tilmaamay in hishiiskii Maamulka Kismaayo lagu dhisay xiligan ay u muuqato mid laga baxay islamarkaana  aanay hoboonayn in laga beensheego Mujaahidiinta Gobolkaasi nabada ka dhigay oo ay hadalkii shalay u dhigantahay in ay burbureen.
Sheekh Xasan Turki ayaa shirkiisii jaraa’id Ee maanta waxa uu u muuqday mid lagu weerarayay maamulka xiligan looga dhawaaqay Kislaamyo isagoo hadalkiisa loo fasiran karay in uu jiro khilaaf laga cabsi qabo in gacan ka hadal uu dhaliyo.
Warar hoose oo aynu ka helnay deegaanka Afmadow ayaa sheegaya in halkaasi ay ka soo dhaqaaqeen ciidamo uu hogaaminayo Sargaal sare oo lagu magacaabo sheikh Axmed Madoobe kaasi oo taliya u ah Ciidamada Sheekh Xasan Turki.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomalaiyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments