Sheekh Xasan Mahdi oo ka fakarsan halkii uu qaban lahaa
Bartamaha (Xarardheere):- Wadaadka hogaanka u ahaa Kooxda ee ku sugan Xarardheere ahaana Afhayeenkii hore Ee Xizbul Islaam ayaa ka fakaraya halkii uu qaban lahaa.
Kooxda Shabaab oo aad ugu dhawaatay Degmada Xarardheere Ee Gobolka Mudug oo uu ku sugan yahay wadaadkan Afhayeenkii hore Ee Xizbul islaam ahaa taasi oo shaki iyo mugdi galisay siyaasada danbe Ee Xasan Mahdi.
Sheekh Xasan Mahdi ayaa waxa uu haatan weli ku sugan yahay gudaha Xarardheere waxaana haatan soo wajahay qalqal xagga ammaanka ah ka gadaal markii Ciidan uu watay Sheekh Kaba-Ku dukade ay gaareen duleedka Xarardheere.
Xasan Mahdi iyo Ciidankiisa ayaa ku sugan gudaha Xarardheere waxaana ay ka war dhowrayaan xiisadaha ka dhexeeya shabaabka iyo Xizbiga ee ka jira Ceelasha Biyaha taasi oo shaki sii galinaysa halkii ay qaban lahaayeen kooxdaasi uu wadadkan wato.
Xasan Mahdi ayaa waxa uu ka haray Wadaadada ugu sareeya Xizbul Islaam waxaana haatan Xizbiga ragga ugu caansan ka mid ah Xasan Daahir Aweys oo hogaamiyaha kooxda ah iyo Xasan Mahdi oo afhayeenka guud ah oo labadaba qarka u saaran in shabaabka ay hubka ka dhigaan.
Hore waxaa shabaab ugu biiray Xasan Turki waxaana dalka isaga tagay Muuse Caraale iyadoo hadda ay labadan nin ee ugu sareeya Xizbul Islaam ku kala suganyihin Ceelasha Biyaha iyo Xarardheere oo shabaabka ay hareereeyeen.
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Afrika.
Comments
comments