read more »">
Calendar

Sheekh Xasan Daahir oo garab fariistay Saraakiisha Shabaab iyo Xaflad loo sameeyay ku biiritaankiisha kooxdaasi(SAWIRO)

xasan daahir iyo cali dheere shabaabBartamaha (Afgooye):- Hogaamiyihii Kooxdiisa la tirtiray Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa si toos ah ula midoobay Kooxda Shabaab isagoo isku dhiibay Kooxdaasi.

Sheekh Xasan Daahir Aweys Hogaamiyihii Kooxdii Xizbul Islaam ayaa si toos ah ula midoobay Kooxda Shabaab isagoo Xaflad uga qeybgalay gudaha Degmada Afgooye halkaasi oo shabaabka ay xaflad ugu dhigeen sargaalkaasi iyo ku xigeenadiisa.

Xaflada midnimada Shabaab iyo Xizbul Islaam ayaa waxaa waxaa Kooxda Shabaab u matalayay Cali Dheere Afhayeenka Shabaab ,Fu’aad Shangole madaxa Dacwada iyo Tashkiilinta iyo rag kale oo saraakiil qarsoon ahayd kuna dhex jirtay dadka la casuumay iyo qaar ilaala isla dhigayay oo joogay beerta xaflada ka dhacaysay.

Kooxda Xizbul Islaam waxaa ugu sareeyay Hogaamiyihii Kooxdaasi Xasan Daahir Aweys iyo rag ay ka mid ahaayeen:-

Sheekh Cabdilfataax Maxamed Cali,Sheekh cabduqaadir cusmaan yarrow ( kumaandooS ),Cabdulaahi Sheekh Yuusuf qadaad,Sheekh Xasan Axmed Cisman ( sheikh Xasan Mahdi ) iyo saraakiil badan oo aan sidaa u caan sanayn balse muhiim u ahaa kooxdii burburtay Ee Xizbul Islaam.

Xasan Daahir oo aanay farxad badan ka muuqan ayaa waxa uu jeediyay hadal guubaabo ah oo uu ku sheegayay in uu la midoobay Alshabaab islamarkaana uu  doortay Midnimada waxa uu ugu yeeray Mujaahidiinta Qarnigan ee Soomaaliya ka dilaacday.

Xasan Daahir waxa uu soo hadal qaaday qabashada Xariga Alle oo uu balan ku qaaday in uu ku taagnaanaayo illaa uu ka dhinto sida uu u balan qaaday raggii fadhiyay goobta xaflada ka dhacaysay oo ahayd beer ku taala Afgooye oo Xasan daahir ku nasan jiray .

Ragga Shabaabka u hadlay ayaa dhankooda balan alle ku qaaday in ay ku taagnaanayaan wadadii ay hore ugu taagnaayeen oo ahayd sii wadida dagaalka ka socanaya dalka oo ay ku sheegeen mid Faa’iida badan ugu sugan bulshada ku dhimanaysa maalin walba.

Ugu danbayn waxaa guddi loo sii saaray sii wadida Midnimada Labada Urur iyo isugu keenida meel dhexe maadaama laba Fikir ay kala haysteen xagga dhaqanka marka loo eego iyo Xukunada iska joogtada ah ee shabaabka wateen.

Daawo Sawirada:-










Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Afrika.

[email protected]

Comments

comments

Category : Featured, Photos, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: