Sheekh Xasan Daahir oo dhaqdhaqaaq Maamul u samayn ah ka wada Gobolka Sh/Hoose.
Bartamaha(Afgooye):-Gudoomiyaha Koxda Xizbul Islaam Sheekh Xasan Daahir ayaa haatan ku sugan Magaalada Afgooye iyadoo ammaanka aad loo adkeeyay halkaasi oo maamulkii dhisnaa uu kala diray mid kalana magacaabay.
Sheekh Xasan Daahir Aweys waxa uu maamul cusub u sameeyay Afgooye isagoo ka dalbaday in ay shaqada wanaagsan guteen islamarkaana ay shacabka soo jiitaan.
Maamulka uu afgooye ka dhisay Mr.Aweys ayaa waxaa ka dhex muuqda dadka deegaanka oo markii hore maamul ahaan aan lagu arki jirin Degmadaasi Afgooye ee Gobolka Sh.Hoose.
Hogaamiyaha Xizbul Islaam Sheekh Xasan waxa uu gudoomiye u magacaabay Sheekh C/kariin Muuse Cumar kaasi oo afgooye masuul looga dhigay.
Madaxa Xafiiska Dacwada iyo Iclaamka Sheikh cali Sheikh Cumar Xaaji cabdi.
Madaxa Garsoorka Maamulka Sheekh Cusmaan Deerow Xasan.
Madax Amniga Maxamed Xasan Cumar iyo Madaxa Maaliyada oo loo magacaabay Ilyaas Maxamuud Shariif
Mr.Xasan Daahir Aweys waxa uu saacada soo aadan Maamul u samaynayaa Degmada Wala-Weyn ee Gobolka Sh.Hoose isagoo sidoo kale la filaayo in uu gaaro Deegaanka Toorotoorow oo isqabqabsi uu ka jiro.
Maamulada uu magacaabayo Mr.Aweys ayaa waxa ay imaanaysaa xilli koopxda Xizbul Islaam ay awood ahaan ku sii yaraanayaan Gobolada Dalka o qaab siyaasadeysan ay Alshabaab ugala wareegeen.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed Bartamnaha.Com
Muqdisho-Somalia
Comments
comments