Sheekh Xasan Daahir gudoomiyaha Xizbul Islaam oo Xalay qarax ka badbaaday Gudaha Degmada Afgooye.
Bartamaha(Afgooye):-Gudoomiyaha Xizbul Islaam Sheekh Xasan Daahir Aweys iyo Sarakiil kale ayaa xalay ka fakaday isku day dil ka dib Weerar bam ah oo lagu qaaday.
Sheekh Xasan Daahir ayaa la sheegay in uu kulan kula lahaa gudaha Degmada Afgooye Saraakiisha Xizbul Islaam Sh/hoose iyadoo bam gacmeed lagu tuuray goob ay ku shirayeen.
Hogaamiyaha Xizbul Islaam iyo Madaxda kale ee la shiraysay ayaa waxaa goob u jirta wax ka yar 15-Mitir ku qaraxday Mab nuuca gacata oo lagu soo tuuray beer ay shirk u lahaayeen fiidnimadii xalay.
Sida www.Bartamaha.Com uu u sheegay mid ka mida Ilaalada gudoomiyaha Degmada Afgooye Ee Xizbul Islaam waxaa qarxa ku dhaawacmay 3-askari oo ilaala ka hayay hoolka ay saraakiishaasi ku shirayeen.
Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in qaraxa goobta laga maqlay uu haa Miino la waqiyeeyay wallow jabaqda ay samaysay uu ahaa Bamka gacanta oo kale sida ay sheegeen dadka dagan Afgooye.
Illaa haatan ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Maamulka sare ee Xizbul Islaam iyadoo ammaanka degmada Xalay ad loo adkeeyay ka dib dhawaqa qaraxa.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments