Sheekh Xasan Daahir Aweys oo Shir jaraa’id khadka Telfoonka ku qabtay Sababo cabsi dhanka ammaankiisa ah
Bartamaha(Muqdisho):-Hogaamiyaha Kooxda Xizbul Islaam Sheekh Xasan Daahir ayaa galabta shirjaraa’id ku qabtay Telfonka ka dib markii Ammaankiisa loo baqay isagoo waxyaaba badan uga hadlay shirkiisa jaraa’id oo Hawada uu ku qabtay.
Hogaamiyaha Kooxda Sii awood yaraanaysa ee Xizbul Islaam Sheekh Xasan Daahir Aweys oo dhawaanahan ku sugnaa Ceelasha Biyaha ayaa galabta shirjaraa’id ku qabtay Hawada Ama Telfonada Idaacadaha Muqdisho isagoo uga hadlay arimo dhowr ah.
Gudoomiyaha ayaa shirkiisa jaraa’id ku sheegay in ay ku farayaan Burcada Badeeda in 48-Saacadood ay ku soo daayaan Doonyaha ay Ganacsatada Soomaaliyeed  leeyihiin oo sida hanti shacabka soomaalida u socota taasi oo uu ku sheegay mid aan sharci loo helayn afduubka loo geystay.
Gudoomiyaha Xizbul Islaam Xasan Daahir ayaa xusay in loo baahanyahay in ay Burcad Badeeda ka dhowrsadaan hantida shacabka soomaaliyeed isagoo sheegay in aanay marnaba u dulqaadan doonin afduubka doonyaha ay leeyihiin ganacsatada soomaaliyeed.
Sheekh Xasan Daahir Aweys waxa uu u sheegay Burcad Badeeda in Hantida ay xanibayaan ay tahay mid ay leeyihiin Ganacsato Soomaaliyeed waxa uuna Xasuusiyay dhibaatada ka dhalan karta oo uu sheegay in ay saamayn ku wada yeelanayso dhammaan Soomaalida.
Hogaamiya Xizbul Islaam ayaa dhanka kale Shacabka la codsaday in ay Sabraan isagoo sheegay in muddo Sanad ah oo uu dalka joogay ay jiraan isbadal uu soo kordhiyay waxa uuna shaaca ka qaaday in dagaalka magaalada ka socda uu sii socon doono inta ay shisheeye dalka joogaan.
Sargaalkan haatan Hogaanka Xizbul Islaam ah ayaa waxa uu dalka joogaa muddo Sanad ah waxaana xiligi uu dalka yimid illaa haatan sii kordhay dagaalada ka dhacayay Magaalada Muqdisho oo dadkii ugu badnaa ay ku barakaceen kuwa kalana ay waxyeela ka soo gaartay.
Xasan Daahir Kooxda uu hogaanka u yahay ayaa noqotay mid sii daciifaysay dhawaanahan markii Saraakiil badan looga dilay dalka kuwa badana ay garabkiisa ka bexeen oo ay qaarkood iska aadeen Dalka Dibadiisa si ay uga fogaadaan dagaalka aan dhammaadka lahayn.
Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia
Comments
comments