Sheekh Xasan Daahir Aweys oo loo magacaabay Gudoomiyaha Xizbul Islaam ka dib kulan ay yeehseen masuuliyiinta Kooxdaasi.
Bartamaha(Muqdisho):-Ka dib kulan ay saacada ka hor Muqdisho ku yeesheen kooxda Xizbul Islaam saraakiishooda ugu saraysa dalka ayaa waxa si rasmi ah jagada Gudoomiyaha Xizbigaasi lagu wareejiyay Sheekh Xasan Daahir Aweys oo xubin ka ahaa xizbul islaam.
Â
Dr.Cumar Iimaan Abuu-Bakar oo ahaa Gudoomiyaha Kooxda Xizbul Islaam ayaa goordhaweyd waxa uu xilkaasi uu ku wareejiyay Sheekh Xasan Daahir ka dib markii ay arinkaasi aqbaleen dhammaan xubnaha kooxdaasi.
Â
Kulanka ayaa markiisii hore waxa uu ahaa mid looga tashanayay arimaha dagaaladii dhawaan Muqdisho ka dhacay iyo weerarada lagu qaaday fariisinada kooxdaasi ay muqdisho ku leeyihiin iyadoo arinkan xilwareejinta ah uu halkaasi kaga faa’iidaystay Dr.Cumar Iimaan.
Â
Sheekh Xasan Daahir ayaa markiisii hore waxa uu ahaa madaxa maaliyada iyo xiriirka caalamka ee kooxdaasi iyado uu lahaa fekerka abaabulka ku dhawaaqida magacaasi Xizbul islaam oo ay ku midoobeen raggii ay kala hogaaminayeen Sheekh Xasan Turki iyo Xasan Daahir Aweys iyo sidoo kale saraakiil ka mid ahayad ragii Jabhatul Islaam.
Â
Isbadalka xilalka ayaa sidoo kale waxaa maalmhii la soo dhaafay ay ka soo ifbaxaysay dhanka kooxda ay saaxiibada ku yihiin dagaalada ee Alshabaab taasi oo badashay Afahayeenkii kooxdaasi .
Â
Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments