Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ku baaqay dagaal buuxa oo lala galo Amisom iyo Dowlada.
Bartamaha (Muqdisho) Gudoomiyaha Kooxda Xizbul Islaam Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa sheegay in loo baahanyahay dagaal xoogan oo lagu qaado Amisom iyo Dowlada.
Xasan Daahir ayaa sheegay in qaraxii dhawaan dhacay aanu ahayn mid ay ka danbeeyeen Mujaahidiinta waxa uu ugu yeeray balse ay diyaariyeen Koox ka mida Dowlada iyo Cadowga.
Sheekh Xasan Daahir Aweys Gudoomiyaha Kooxda Xizbul Islaam ayaa shaaca ka qaaday in lo baahanyahay in Umada ay iska dulq aado Kooxda Amisom iyo Dowlada si nabad loogu soo dabaalo dalka.
Hogaamiye diimeedka da’da ah ayaa waxa uu ugu baaqay dhalinyarada in ay dagaalo galaan si Nabada ay u gaarto Bulshada inteeda kale taasi oo uu sheegay in ay sharaf u tahay qofkii ku dhintaa dagaalkaasi.
“Anaga waan duqownay laakiin dhalinyarada waxaan leeyahay Dhinta idinkoo sharafta Islaamka doonaysaan oo haddii aan loo dhiman difaaca Diinta ma jiro cid sharaf ku helaysa….â€ayuu yiri Xasan Daahir.
Sheekh Xasan oo ka hadlayay Masjidka Abuu-Hurayra Bakaraha ayaa waxa uu shacabka soomaaliyeed la dalbaday in ay ku sabraan Ciqaabta iyo dagaalka isagoo balan qaaday in ay dagalo buuxa la galayaan Amisom.
Hadalka ka soo baxay Hogaanka Xizbul Islaam ayaa waxa uu imaanayaa xilli saraakiishii Kooxdaasi ay inta badan dalka isaga carareen ka dib khilaaf iyo dagaalo ay la galeen Alshabaab .
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments