Calendar

Sheekh Xasan Daahir Aweys oo dagaalada Bisha Ramadan ku tilmaamay kuwa Barakaysan kuna baaqay in dagaalada la sii wado.

743Bartamaha (Muqdisho):- Hogaamiyaha Kooxda Xizbul Islaam Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa ku baaqay in la sii wado dagaalada Muqdisho isagoo ku tilmaamay kuwa Barakaysan.

Sheekh Xasan Daahir Aways gudoomiyaha Ururka Xizbul Islaam oo maanta shirjaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dagaalada ka jira Magaalada Muqdisho ay yihiin kuwa Barakaysan islamar’ahaantaana la sii wadi doono.

“Bisha Ramadaan dagaalada dhaccaa waa kuwa aad u wanaagsan oo Illaahay Nasri ku furayo…dagaalada waa ay sii soconayaan inta ay Ciidamada Cadowga ah ku jiraan Dalka..” ayuu yiri Sheekh Xasan Daahir Aweys.

Wadaadka Hoggaanka u ah Xizbul Islaam ayaa waxa uu dhanka kale si kulul u beeniyay in uu jiro wada hadal ay yeesheen isaga Iyo Madaxweyne Shariif isagoo tilmaamay in aanu marnaba la hadlaynin inta ay Ciidamada Shishaayaha ah ay ilaalo u yihiin.

Hogaamiyahaasi ayaa ugu danbayntii Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay dulqaataan inta lagu guda jiro Bisha Ramadaan isagoo sheegay in bishan ay tahay middii Magaalada looga xurayn lahaa Ciidamada Cadowga ah Ee Dalka ku soo duulay.

Xafiiska Bartamaha wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: