Sheekh Shariif: Dowladaydu Iskama Difaaci Karto Al Shabaab
Madaxweynaha dowlada ku meel gaarka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada dowladiisu oo kaliya aysan ku filnaan doonin dagaalka ay kula jiraan kooxaha mucaaradka sida Al Shabaab.
Sheekh Shaeriif ayaa hadalkan galabta ka jeediyey shir madaxeedka Urur Goboleedka IGAD oo goor dhoweyd lagu soo gabagabeeyey magaalada Addis Ababa ee caasimada Ethhiopia.
“Waxaan beesha caalamka caalamka ka codsaneynaa taageero deg deg ah si aan uga hortagno kooxaha argagixisada ee doonaya inay dalka afgembiyaan, kuwaasi oo soo adeegsaday ajaaniib dembiilayaal ahâ€, ayuu ku yiri khudbad uu madaxweynuhu galabta ka jeediyey shirka IGAD.
Madaxweyne Shariif ayaa si cad ugu sheegay madaxda ku bahoobay ururka IGAD in dowladiisu aysan ku filneyn inay iska difaacdo kooxaha mucaaradka, wuxuuna sheegay in weeraro daran oo halis ah ay kaga imaanayaan dhinaca maleeshiyaadka mucaaradka, kuwaasi oo doonaya ayuu yiri inay burburiyaan dowlada iyo jirintaanka qaranka Soomaaliyeed.
“Qaranka Soomaaliyeed waxaa soo wajahay weeraro adag oo kaga imaanaya kooxaha argagixisada ee ku xiran Al Qaacida. Dhibaatooyinkan waxay u baahan yihiin kaalmo deg deg ah oo ka timaada beesha caalamkaâ€, ayuu ku daray madaxweynaha khudbadiisa.
Sheekh Shariif wuxuu sheegay in dowlada waxa ay heysato aysan ku filnayn inay ka difaacdo Al Shabaab.
“Ciidamada dowlada oo kaliya kuma filna iny ka hortagaan weerarada kooxaha argagixisada ee doonaya in ay talada dalka la wareegaan, waana in beesha caalamka gacan ka geysato sidii looga hortagi lahaa khatarta kooxahan ee ku soo fool leh Soomaaliyaâ€, ayuu ku daray hadalkiisa madaxweynuhu.
Madaxweyne Shariif wuxuu kaloo sheegay in markasta oo dib u dhac uu ku yimaado taageerada beesha caalamka ay taasi fursad siineyso kooxaha mucaaradka oo uu shegay inay soo xoogeysanayaan.
Shirka madaxda IGAD uga socda dalka Ethiopia ayaa la soo gabagabeynayaa maanta oo Isniin ah, waxaana shirku si weyn uga dooday arimaha Soomaaliya gaar ahaan amaanka iyo difaaca dowlada ku meel gaarka ah.
Madaxda IGAD ayaa la filayaa in kulanka ay kaga dhawaaqaan in ciidamo kale oo dheeraad ah lagu kordhiyo ciidamada Afrikanka ee hadda ku sugan Soomaaliya.
Shirkan ayaa ahaa mid deg deg ah oo ay isugu yimaadeen madaxda IGAD, waxaana shaley ka horeeyey kulan hordhac ahaa oo ay lahaayeen wasiirada arimaha dibada ee wadamada IGAD. Wuxuuna shirku ku soo beegmay iyadoo maalmahan dagaalo xoogan oo u dhexeeya dowlada iyo kooxaha mucaaradka ay ka socdaan magaalada Muqdisho.
RBC Radio
Comments
comments