Sheekh Maxamuud Xeyfow gudoomiyaha Golaha Fulinta Ahlu sunnah oo ka badbaaday isku day dil(Faah-faahin).
Bartamaha(Muqdisho):-Gudoomiyaha Golaha Fulinta Kooxda Ahlu sunnah Wal Jamaaca ayaa ka badbaaday isku day dil oo lala damacsanaa.
Sheekh Maxamuud Maxamed Xeyfow Gudoomiyaha Golaha Fulinta Ahlu sunnah ayaa Xalay ka badbaaday isku day dill ala damacsanaa markii Xalay qarax xoogan lala beegsaday qolkii uu ka daganaa Guri ku yaala Guri Ceel.
Gudoomiyaha Golaha Fulinta Ahlu sunnah Sheekh Maxamuud Maxamed Xeyfow ayaa ka badbaaday qarax Bam oo Xalay lagu weeraray hoygiisa xiligaasi oo muu dibada uga maqnaa Guriga Qaraxa lagu tuuray.
Wadaadka ayaa waxa uu xilliga qaraxa ka hor ka soo baxay Masjid ku yaala goob aan ka dheereen Hoygiisa isagoo aan ku laaban gurigiisa la qarxiyay sida ay sheegeen saraakiil ahlu sunnah ka tirsan.
Sheekh Xeyfow oo madax u ahaa gudigii Dowlada heshiiska la soo galay ayaa waxa uu xalay ka badbaaday qorshaha lagu doonayay in lagu dilo waxaana la xaqiijiyay in qolkiisa uu ku dhacay Bamka ay tureen raga aan la qaban.
Ciidanka ayaa maanta waxa ay inta badan samaynayeen howlgal balaaran oo ay ku soo qabqabteen Kooxo lala xiriirinayo xiriir wanaag ay la leeyihiin Alshabaab iyo Xizbul Islaam.
Wadadaadka ayaa ka badbaaday qaraxaasi la qorsheynayay in lagu dilo waxaana dhaawac soo gaaray 4-qof oo qoyskiisa ka tirsanaa sida ay sheegeen saraakiisha ahlu sunnah.
Weerarkan la doonayay in lagu dilo wadaadkan ayaa waxa uu qeyb ka yahay cabsi dhawaanahan la dareemayay oo salka ku hayay Kooxo soo galay Guri Ceel oo ammaan darada ka qeybgalaya.
Xafiiska www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments