Sheekh C/rsaaq Al Ashcari “Waxaan u gaysanay Jab aad u xooggan, waxaana Al-Shabaab Saakay u gaysanay qasaare lixaad leh, waana ka xoraynaynaa
Afhayeen u hadlay Xoogagga Urur diimeedka Ahlu-sunnah Wal-jamaaca oo lagu magacaabo Sheekh C/rasaaq Al-Ashcari ayaa sheegay in saaka dagaal xoogan ciidamadooda ay ku soo qaadeen xoogagga Ururka Al-Shabaab ee ku sugan deegaanadaasi.
Sheekha mar uu ka hadlaayay saakay dagaaladii ka dhacaayay ayuu yiri “Waxaan u gaysanay Jab aad u xooggan iyo qasaare lixaad leh, waana ka xoraynaynaa dhamaan deegaanada ay ku sugan yihiinâ€.
Al-Ahcari waxa uu intaas ku daray in uu arkay Meydadka ilaa iyo 6-qof oo ka mid ahaa xooagagga Al-Ashabaab ee ciidamadooda soo weeraray, isagoo intaas ku daray in ilaa hada ay gacanta ku hayaan tuulada Wabxo oo ay shalay la wereegeen.
Afhayeenkaasi oo Saaka Wareysi siiyay Idaacada Horn-afrik ayaa sheegay in Dagaalkaasi lagu kala baxay Subaxnimadii hore ee Saakay, islamarkaana ay uga digayaan Al-Shabaab in ay naftooda ku soo biimeeyaan degaanada gobalada Hiiraan iyo Galguduud oo uu xusay in ay ka taliyaan sida uu hadalka u dhigay Mujaahidiinta Ururka Ahlusunah Waljamaaca.Â
Dhanka kale waxaa saaka Cabsi xoogan ka taagantahay Degmada Maxaas oo dagaal uu ku dhexmayay Saacadihii lasoo dhaafay Maleeshiyaad ka mid ah kuwa deegaankaasi iyo Xoogagga Al-Shabaab,dagaalkaasina waxa ay keeneen in Magaaladaasi gebi ahaan ay ka bexeen Shacabkii degaanadaasi,kuwaasi oo ku barakacay Deegaanada Keymaha ah ee ku dhow Magaaladaasi.
Somaliweyn Media Center “SMCâ€
Comments
comments