Calendar

Sheekh C/Qaadir Cali Cumar iyo Prof.C/raxmaan Ibbi oo dhaqaale u huraya xiligan Xalinta Dagaalka u dhexeeya Beelaha ay ka dhasheen.

labadaBartamaha(Muqdisho):-Wasiirada Kaluumaysiga iyo Arimaha Gudaha Dowlada Soomaaliya ayaa muddo ka dib ka wada tashaday qaabka loo xalin karo Dagaalka u dhexeeya Beelaha ay ka soo kala jeedaan.

Labada Wasiir ayaa Labadii cisho ee ugu dambeeyay waxa ay dhaqdhaqaaq ka wadeen Muqdisho waxa ayna direen Odayaal labada beel ka soo kala jeeda oo ay ka bixiyeen Duulimaadka Diyaaradeed ay ku gaareen Gaal-Kacyo.

Labada Wasiir ee Xukumnada Soomaaliya ka tirsan ayaa waxa ay isku dareen dhaqaale badan six al loo dhex dhigo Beelaha ay ka dhasheen oo dad badan isaga laayay dagaal xal loo waayay dhawaanahan oo ka dhacayay Gobolka Mudug.

Wasiirka Kaluumaysiga iyo Kheyraadka Badda iyo Wasiirka Arimaha Gudaha ayaa waxa ay si KMG ah u joojiyeen shaqadii ay ka hayeen wasaaradahooda waxa ayna u istaageen in ay kala qaboojiyeen dagaalka Beelaha ay ka dhasheen u dhexeeya.

Odayaal ay direen masuuliyiintaasi waxa ay shalay gareen Gaalkacyo miyagoo maanta u dhaqaaqay dhanka Bacaadweyn si ay ugu dhawaaqaa Xabad joojin.

Labada Wasiir ayaa waxaa lagu wada ain ay dhawaan gaaraan Deegaanka dagaalka uu ka dhacay ama Magaalada Gaalkacyo si ay u dhamaystiraan Xalka laga gaaro dagaalka dhacay.

Dagaalka Bacaadweyn iyo Deegaanka Camaara ka dhacay waxa uu dhaliyay dhimasho fara badan waxa uuna ka bilowday Ceel Biyaha laga cabo oo Deegaankaasi laga sameeyay.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

 

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: