Calendar

Sheekh Cali Dheere “Axmed Madoobe waa in uu ka baxaa Magaalada ama ka laabtaa go’aankii shareeca diidka hadii kale Seefta Islaamkaa dafaysa…”

raage shabaabBartamaha(Muqdisho):-Afhayeenka Xarakada Alshabaab ayaa shaaca ka qaaday in dagaalka ka socda Magaalada Kismaayo aanu u dhexeynin Xizbul Islaam balse ay Alshabaab kula jiraan Dagaal nin shareeca Diin ah.

Sheekh Cali Dheere Afhayeenka Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab oo shirjaraa’id qabtay ayaa shaaca ka qaaday in Dagaalada Magaalada Kismaayo aanay u dhexeynin Ururka Xizbul Islaam iyo Xarakada Alshabaab balse ay Mujaahidiinta la dagaalamayaan Sheekh Axmed Madoobe oo shareecada diiday.

“Axmed Madoobe waa in uu ka baxaa Magaalada ama ka laabtaa go’aankii shareeca diidka  hadii kale Seefta Islaamkaa dafaysa oo Mujaahidiintu cidna kala wareysanayaan Difaaca Shareecada Islaamka “ayuu yiri Afhayeenka Alshabaab sheejkh Cali Maxamuud Raage.

Afhayeenka ayaa tilmaamay in dagaalka ka socanaya Magaalada Kismaayo aanay kula jirin Xizbul Islaam balse sidaasi ay jeclaan lahayeen kooxaha dalka kun soo duulay iyo Dowlada sida uu hadalka u dhigay.

“Caradiina ku dhinta Mujaahidiinta marnaba isma dagaalayaan oo rasaastooda isma disho mana la dagaalamayno Xizbul Islaamii….haa waa ay jirtaa in ninka Axmed Madoobe ah uu yahay Xizbul Islaam Sargaal ka tirsan balse Shareecada hadii uu diido lama cafinayo oo markii hore ayaan Allaah ka balan qaadnay in aan shareecada u dhimanayno..”ayuu yiri Sheekh Cali Dheere Afhayeenka Shabaab.

Hadalkan ayaa u muuqday mid uu ku difaacayo warar la hadal haayay Maanta kaasi oo ahaa in Dagaal xoogan uu ka dhex socdo Alshabaab iyo Xizbul Islaam.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: