Sheekh Axmed Madoobe oo isaga baxay Kooxda Xizbul Islaam.
Bartamaha(Dhoobley):-Sheekh Axmed Maxamed Islaam “Madoobe†ayaa shaaciyay in uu isaga baxay Kooxda Xizbul Islaam oo dhawaanahan khilkaaf soo kala dhexgalay.
Sheekh Axmed Madoobe oo kulan kula qaatay duleedka Dhoobley saraakiil ay isku siyaasad yihiin ayaa waxa uu ku dhawaaqay in uuisaga baxay Kooxda Xizbul Islaam isagoo soo noolaynaya Raaskamboni.
Sargaalkan ayaa waxaa saxaafada u matalay oo u hadlay sargaal magaciisa lagu sheegay Daahir Cismaan oo ah sargaal ka mida garabka Sheekh Axmed Islaam Madoobe.
Axmed Islaam Madoobe ayaa haatan waxa uu abaabul ka wadaa duleedka Dhobley oo ay ku xooganyihiin Ciidamadiisa isagoo wada qorshe uu ku howlgalinayo Mucaskarkii Raaskambooni.
Raas Kambooni ayaa waxa ay tahay koox burbur qarka u saarnayd oo ku dhex milantay Xizbul Islaam iyadoo hogaankoodii guud uu noqday Alshabaab iyadoo aan la ogayn qaabka ay kaligood u taagnaanayaan Kooxda Axmed Madoobe.
Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments