Calendar

Sheekh Atam”Puntland awood Cidian ayay ka raadsatay Ethiopia…”.

wadaadaBartamaha (Galgala):- Sheekh Maxamed Siciid Atam oo ah wadaadka ku kacsan Dowlada Puntland ayaa shaaca ka qaaday in Puntland ay Ciidan u doonatay Ethiopa.

Sheekh Atam ayaa waxa uu warbaahinta u sheegay in Madaxweyne Faroole uu dalka Ethiopia u doontay ciidan uu  kula dagaalamo  dadka deegaanka Galgala oo uu sheegay in ay u diyaarsanyihiin dagaalkaasi.

Sheekh Maxamed Siciid Atam waxa uu sheegay in dagaalka uu kula jiro Puntland uu sii wadayo isagoo xusay in kooxda uu ugu yeeray Mujaahidiinta ay yihiin kuwa u diyaarsan dagaal walba oo ay soo qaadaan Dowlada Puntland.

“Faroole isagoo calaacalaya ayuu Ethiopia u doontay ciidan uu nagula dagaalamo….Ethiopianka waxa ay ka cabsadeen qasaara iyo jab ay kala kulmaan haddii ay soo galaan dhulkeen….” ayuu yiri Wadaadkaasi.

Sheekh Atam waxa uu Puntland ku Eedeeyay in ay laysay dad shacab ah islamarkaana ay doonayso in Haweenka laga dhigo Xijaabka dhibaata badana laga gaarsiiyo diintooda ayuu yiri Sheekh Atam.

Wadaadkan ayaa intaasi ku daray in dagaalka uu yahay mid bilow ah oo aan soo afjarmi doonin illaa meesha laga saaro Dowlada uu hadda hogaamiyo Madaxweyne  C/raxmaan Faroole oo dagaal weli kula jirta Kooxda uu horboodo wadaadkaasi.

Ugu danbayntii Masuulkan waxa uu ku Hanjabay in ay dhibaata gaarsiin doonaan Ciidan Ethiopian ah haddii ay soo galaan gudaha Puntland isagoo kuwa haatan dagaalamaya ugu baaqay in ay hubka iska dhigaan.

Hadalka wadaadkan ayaanan la ogayn waxa ka jira xilli xaalada Buuralayda Galgala ay weli kacsantahay oo dagaalada ay yihiin kuw amar waliba iska dhacaya oo aan lagu kala awood roonaan.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Geeska Afrika.

[email protected]

Comments

comments

Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: