Sheekh Aadan Madoobe oo shaaca ka qaaday in 24-saac gudaheed dowlada looga qabsanayo dalka hadii aan caalamka u soo gurman.
Bartamaha(Muqdisho):-Gudoomiyayha Baarlamanka Soomaaliya Shekh Aadan Mamed Nuur Madoobe oo maanta saxaafada Muqdisho kula hadlay ayaa caalamka ka dalbaday kaalmo Ciidan isagoo ka digay in dalka ay Al-Qaacida qabsanayso 24-Gudaheed.
Shekh Aadan Madobe ayaa dhammaan wadamada Soomaaliya la dereska ah sida Ethiopia, Kenya, Yemen, Sudan, iyo weliba dowlada Mareykanka in ay ku soo dhaweynayaan dalka hadii ay ka helayaan Gurmadyo ciidan iyo mid Hub intaba.
Afhayeenka Baarlamanka Soomaaliya ayaa hadalkan jeediyay Maanta ka dib shirjaraa’id oo uu ku qabtay Muqdisho kaasi oo kaga hadlayay dagaalada ka socda magaalada Muqdisho kuwaasi oo uu tilmaamay in ay ku soo qaadeen Ciidamada Alqaacida oo uu sheegay in uu madax u yahay Nin u dhashay Wadanka Pakistaan.
Sh.Aadan Madoobe ayaa dhammaan wadamada Caalamka u sheegay in soomaaliya ay hadii aan 24-Saacadod looga soo gaarin ay halis ugu jirto in ay la wareegaan Kooxaha Soomaalida ah iyo kuwa Shisheeye ee uu ku tilmaamay Alqaacida.
Hadalkan ka soo baxay Gudoomiyaha Baarlamanka soomaaliya ayaa ku soo aadaya xilli maalmihii la soo dhaafay ay dowlada soomaaliya dharbaaxsho dhinac waliba ah ay kala kulantay Xoogaga Alshabaab iyo Xizbul Islaam oo iska kaashanaya la dagaalanka dowlada Soomaaliya
Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia
Comments
comments