Sheekh Aadan Madoobe oo ku dhawaaqay xiliga kulanka Baarlamanka.
Bartamaha(Muqdisho):-Gudoomiyaha Baarlamanka Dowlada KMG ah ayaa maanta ku dhawaaqay xiliga uu qabsoomayo kulanka guud ee Baarlamanka.
Sheekh Aadan Madoobe oo maanta kulan la qaatay gudiyada Baarlamanka Soomaaliya ayaa waxa ay ka wada hadleen arimaha Baarlamanka iyo khilaafka guud ee xildhibaanada u dhexeeya.
Gudoomiyaha Baarlamanka Somalia ayaa shaaca ka qaaday in maalinimada Axada ee ku beegan 16-bishan May uu dhici dono kulanka guud ee Baarlamanka Soomaaliya.
Gudoomiyaha ayaa ku baaqay in xildhibaanada ay soo xaadiraan maalinimada Axada ah isagoo ugu baaqay Mudanayaasha kale ee dalka ka maqan in ay yimaadaan mudada ka harsan maalinimada Axada ah.
Hadaba la arki doonii kulanka Maalinimada Axada ah loo balansanyahay qaabka uu u dhici doono maadaama xildhibaanada qaar ay diidanyihiin shir gudoonka iyo kulanka oo horay u ahaa balan la dhigayo oo aan marnaba dhicaynin .
Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments