Sheekh Aadan Madoobe Gudoomiyaha Baarlamanka oo qiray in in xildhibaana badan ay dalka isaga barakaceen.
Bartamaha(Muqdisho):-Gudoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya oo qiray in Xildhibaanada Baarlamanka ay Dagaalada Muqdisho Saamayn ku yeesheen kuwaasi oo uu tilmaamay in ay in badan oo ka mida ah ay dalka haatan ka maqanyihiin taasi oo uu tilmaamay in mudda ah ay shirarka maqnaanshaha xildhibaanadaasi uu u baaqanayay.Â
Sheekh Aadan (Madoobe) ayaa dhanka kale sheegay in 15-bishan uu dhici doono kulankii baarlamanka soomaaliya kaasi oo uu sheegay in haatan uu kooramkii loo baahnaa joogo dalka sidaana ay ugu dhawaaqayaan kulankaasi.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in xaruntii ay ugu kulmi jireen ee gaadiidka Booliska ay tahay meel aad ugu wanaagsan fadhiyada ku yeelanayaan taasi oo uu tilmaamay in gudoonka sare ay go’aansadeen in ay kulamadooda ku qabsadaan si loo ilaaliyo ammaanka xildhibaanada.
Hadalka Sheekh Aadan Madoobe ayaa ku soo aadaya xilli inta badan xildhibaanada ay ammaanka u bqadeen isla mar’ahaantaana qaarkood ay dalka isaga carareen kuwaasi oo aan illaa haatan dalka ku soo laaban.
Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com,Muqdisho.
Comments
comments