read more »">
Calendar

Sharma’arke “Ciidanka Dowlada waa in ay badbaadiyaan Dowlada…”.

cumar c.rashiidBartamaha  (Muqdisho):-Ra’iisul Wasaaraha Dowlada KMG ah ayaa ka codsaday Ciidanka Dowlada in ay badbaadiyaan Jiritaanka Dowlada KMG ah Ee Soomaaliya.

Dr.Cumar C/rashiid Ra’iisul Wasaaraha Dowlada KMG ah ayaa ka codsaday Ciidanka Qalabka sida in ay badbaadiyaan Dowlada oo haatan aad loogu soo dhawaaday Saldhigii laga maamulayay oo ah Villa Somalia iyo Qasriga ra’iisul Wasaaraha.

Sharma’arke waxa uu saraakiisha Ciidanka Qalabka sida iyo askarta Dowlada ugu baaqay badbaadinta Dowlada KMG ah oo haatan qarka u saaran in ay ka awood roonaadaan Kooxda Alshabaab oo gacan ka helaysa Al-Qaacida.

“Ciidanka Dowlada waa in ay badbaadiyaan Dowlada waayoo waxaa lagu soo dhawaaday saldhigii ugu muhiimsanaa oo ah Villa Somalia….. maxaa harsan haddii weerarka lagu hayo xaruntii maamulka ….”ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.

Hadalka DR.Cumar C/rashiid ayaa imaanaya xilli Villa Somalia ay qarka u saarantahay in ay awood ku qabsadaan taasi oo noqonaysa fashil guud oo ku yimaada Dowlada KMG ah Ee Soomaaliya oo sanadii la soo dhaafay illaa xiligan sii daciifaysay.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Geeska Afrika.

Comments

comments

Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: