Sharma’arke oo saacadaha soo aadan magacaabaya gola Cusub oo Wasiira ah.
Bartamaha(Muqdisho):-Ra’iisul Wasaaraha Xukumada KMG ah Ee Soomaaliya ayaa saacadaha soo aadan magacaabaya Golo cusub oo Wasiira ah.
Dr.Cumar C/rashiid Sharma’arke ayaa lagu wadaa in saacadaha soo aadan uu magacaabo Gole Cusub oo wasiira ah oo ay ka dhexmuuqdaan Ahlu sunah wal jamaaca.
Wararka saaka aynu ka helayno Hoyga ra’iisul wasaaraha ayaa sheegaya in saacadaha soo aadan la magacaabayo Wasiiro Cusub iyo Isku shaandheyn guud oo lagu samaynayo wasiiradii ka harsanaa Xukumada KMG ah.
Masuuliyiin ay ka mid yihiin Axmed C.salaan Xaaji Aadan,Musfat Dhuxulow,Maxamed Dheere iyo rag kale oo caan ah ayaa saaka lagu arkayay Xarunta uu ku shaqeeyo Ra’iisul wasaare Sharma’arke.
Wasiirada Cusub oo la magacaabayo ayaa waxaa lagu wadaa in ay ka dhexmuuqdaan Ahlu sunnah Wal Jamaaca iyo qaar ka mida Hogaamiyayaashii Kooxaha ee Muqdisho.
Warar lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in meesha laga saarayo Wasiiro Caan ah oo haatan ka mida Xukumada KMG ah Ee Soomaaliya sida Wasiirka Kaluumaysiga Prof.Ibbi iyo Wasiirka Hidaha iyo Tacliinta sare Mr.Oomar.
Wixii soo kordha www.Bartamaha.com kala soco.
Xafiiska www.Bartamaha.Com
Nairobi –Kenya.
Comments
comments