Calendar

(DHAGAYSO) Shariif: “Yaan Dadka Magac Diimeed Lagu Qaldin”

Sheekh Shariif Sheekh Axmed Madaxweynaha dowlada Soomaaliya ayaa maanta markii ugu horeysay ka hadlay dagaalada ka socda Muqdisho oo uu ku eedeeyay dad uu ku sheegay inay ka danbeeyaan dalal shisheeye.
Warbixinta Shirka Jaraaid ee Sh. Shariif  

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

Madaxweyne Shariif oo shir jaraaid ku qabtay xarunta madaxtooyada ee magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay mowqifka dowlada Soomaaliya ee ku aadan dagaaladan oo ah in dhinacooda aysan dagaal doonayn balse ay ku qasbeen dad xirfad ka dhigtay dagaallada oo ujeedadooda uu ku sheegay in ay tahay sidii dowlada Soomaaliyeed oo ah mid curdin ah aysan u xoogeysan lahayn.

Sheekh Shariif wuxuu sheegay in aysan habooneyn in dagaal la qaado ama dadka lagu laayo iyadoo la adeegsanayo magac diimeed, wuxuuna hoosta ka xariiqay in dolwadiisu ay tahay dowladii ugu horeysay ee wadanka Soomaaliya ee qaadata Shareecadda Islaamka. Madaxweyne Sheekh Shariif wuxuu ku tilmaamay kooxaha mucaaradka ee dowlada ka soo horjeeda kuwo aan qaranimada iyo dowladnimada doonayn oo ay gadaal ka riixayaan gacamo shisheeye.

Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu dhamaan dadka Soomaaliyeed uga tacsiyeeyay dhibaatada dhimashada iyo dhaawaca leh ee ka soo gaadhaysa dagaaladdan u dhaxeeya dowladiisa iyo kooxaha mucaaradka.

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: