Shariif Xassan oo ka dagay Muqdisho kuna sii wajahan magaalada Baydhabo
Warar aanu ka helnay magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in halkaas uu gaaray Shariif Xassan Sheekh Aadan gudoomiyihii hore ee baarlamaanka Soomaaliya.
Waxayna wararku sheegayaan in Shariif Xassan uu ku lug leeyahay shir maalmahaanba Baydhabo uga socday qaar kamid ah siyaasiyiinta iyo waxgaradka dadka deggan gobolladaas oo ay ku doonayaan inay ku dhistaan maamul goboleed ka arrimaha gobolka shabeellaha dhexe iyo gobollada Bay iyo Bakool.
Shariif Xassan ayaa rajo wayn ka qaba inuu maamul gobolkaas uu hogaamiyo isagoo rajaynaya inuu markale ku soo noqdo siyaasada Soomaaliya.
Comments
comments
Category : Wararka Maanta.